SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Ganacsatada Ugu Baaqay Inay Xoolahooda Mariyaan Maxjarka Berbera.

    Posted by Sawnews.tk on November 10, 2009

    maxjarka%20%202Hargeysa(Sawnews) Nov. 10, 2009 – Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, ayaa sheegay in aan xoolo aan shahaadada ka qaadan Maxjarka caafimaadinta xoolaha ee Berbera aanu ka dhoofi doonin dekada Berbera.

    Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Kormeer ku maraya magaalo xeebeedda Berbera wuxuu sidaasi ka sheegay shir xalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Berbera oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah ganacsatada xoolaha dhoofisa iyo maamulka Gobolkaa Saaaxil, sida uu shabakada Ramaas News u xaqiijiyay Weriye C/Salaan Xariir Sh. Cismaan, oo ku sugan Berbera.

     Dr. Idiris Ibraahim Cabdi wuxuu sheegay in xoolaha Somaliland ay si toos ah u tagi doonaan dekada Jidda ee Boqortooyada Sucuudiga, waxaanu tilmaamay in Markabkii u horreeyay uu dekada Bera xoolo ka qaadi doono maalmaha fooda inagu soo haya.

     “Waxaan ganacsatada xoolaha dhoofisa u soo jeedinayaa inay xoolaha soo mariyaan Max-jarka caafimaadka xoolaha ee Berbera, oo xoolaha aan ka qaadan shahaadada caafimaadku aanay dalka ka dhoofi doonin,”ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xooluhu, waxaanu intaasi ku daray “Maxjarka Berbera shahaadadiisa waxa hore u aqoonsaday illaa lix dal oo ku yaala Khaliijka kuwaasi oo caddeeyay in Maxjarka shahaadadiisu tahay mid waafaqsan heerkii caalamiga ahaa ee loo baahnaa.”

    Wasiirku wuxuu sheegay in xukuumada Somaliland ay dedaal u gashay isla markaana ay ku guulaysatay sidii xayiraada looga qaadi lahaa xoolaha Somaliland oo in ku dhow toban sano aan loo iib geyn jirin suuqyada Sucuudiga oo ah meesha ugu badan ee loo dhoofiyo xoolaha.

    Shirkan waxa kale oo ku sugnaa Wakiilka shirkada Al-Jaabiri ee Xasan Al-Xasani. shirkaasi wuxuu loogu wanqalayay furitaanka dhoofka xoolaha.

    Source Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: