SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasaaradda Degaanka oo Olole Lagula Dagaalamayo Gumaadka Dhirta Qoyan ka Fuliyay Hargeysa.

    Posted by Sawnews.tk on November 10, 2009

    Hargeysa (SAWNEWS) Nov. 09, 2009 – Masuuliyiinta Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, ayaa Maanta  bilaabay olole ka dhan ah goynta dhirta qoyan ka fuliyay suuqa gobonimo halkaasi oo si qarsoodi ah loogu iibiyo loona keeno suuqyada magaalada qaarkood.
    Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iy horumarinta reer miyiga Mr Jaamac Hilaac oo u waramayay saxaafadda ayaa sheegay in ay xaaraan tahay in la gooyo lagana ganacsado dhirta qoyan, taasi oo uu sheegay in talaabo laga qaadi doono sharcigana lala tiigsan doono cid alle iyo ciddii lagu qabto goynta iyo ka ganacsiga dhirta qoyan.
    Waxa kale oo agaasimaha deegaanku ka codsaday dawlada hoose in sharciga liisanka kala noqdaan bakhaarada la dhigo dhirta qoyan waxa sidoo kale wasaaradda deegaanku dugniin kulul u soo jeediyay cidda ku hawlan gumaadka dhirta qoyan, waxaanay dadweynaha ka dalbadeen inay gacan ka siiyaan waxaanu agaasimuhu sheegay inay todobaadkiiba saddex jeer qaadi doonaan ololahan lagaga hor tagayo goynta, iyo ka ganacsiga dhirta qoyan.

     

    dhinaca kale waxa sii xoogaysanaya dhuxulaysiga dalka oo ah isha ugu weyn ee ka qeyb qaata gumaadka dhirta qoyan iyo xaalufinta deegaanka dabiiciga ah.

     

    Source Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: