SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • SIILAANYO OO MAANTA FARTA DHEXDA KA QANIINSAN by: Mohamed Mouse

    Posted by Sawnews.tk on November 10, 2009

    hand writingIyadood moodo in mucaaridku dib u liqay suntii ay kula dhex wareegayeen ummada oo ay runta soo taabteen ayaa waxa lama ilaawaan ku noqotay Siilaanyo khiyaamadii u kula kacay saaxiibkii C/raxmaan Aw Cali oo ah nin halgankii xoraynta Somaliland ay soo wada galeen.

    Siilaanyo wuxuna waligii ilaawi doonin shirkii Burco ee lagu shirqoolay C/raxmaan. Wuxu Siilaanyo dan moodey maalintaas ayaa uur ku hadh iyo lama ilaawaan ku noqotay.

    Madax jacaylku qofka wuu indha tiraa karaamadana uu ka qaadaa. Qaacidada u markaas isticmaalaayey oo ahayd C/raxmaan tolma leh ee nin tol leh raadso. Taas waxa u dheer in u xidhmo niman wali halgankii ku jira oo qoryo sita oo u ka mid yihay ina Biixi. Figradaasi waxay la xushay kayn una garanayn si uga soo noqdo. Markii uu ogaaday in uu ciin daaqay oo wada kasta iyo mua’amaraad kastiba ka soo xidhmay ayaa wuxuu ka fikiray qaacidad kale oo ah KALA-QAYBI-ISKU-DIR-KU-QADIMAYSID E.  Taasna waxa ka caqli badiyey ummada oo iska garatey shirqooladaas.

    Maanta waxaan filyaa in runtu ku habsatay oo ay ku kaliftay in uu ka firkiro sidii uu ummada ugu soo dhex noqon lahaa wax waa iyo wax helba. Taas waxa u daliila sida uu u degay ee uu u qaboobay. Amaanta, mahadda, iyo ducada u ujeediyey Komishankii hore ee Doorashooyinka iyo ka cusubba waa mid lama filaan ah oo dadka ku noqotay layaab waayo Siilaanyo loogama fadhiyin in u si dhaqsa ah isu badalo isaga oo ku caan ahaa Mr. NO.

    Siilaanyo haddii u wax walba ilaawo waxaan ka hadhayn Kulantidii xisbigu ku kulmeen Burco iyo qaacidida u markaas u salka uga dhigay isbedalka cusub ee madaxda Xisbiga. Fikradaas oo iska daa waqti kale e aanan sariirtana kaga hadhayn. C/rahmaan waa nin tolkii iyo ummada kale ee reer Somalilandba ku leh sharaf, maamuus, iyo xaqdhowrba. Amaanta lama iibsado xoogna laguma helo ee waa la kasbadaa. C/raxmaan raganimo, geesinimo, iyo ixtiraamba uu kasbaday umaduna way u ogtahay. Siilaanyo in u cidlo kaga dhaqqaqo ninka ay dariiq soo wada mareen, soo wada halgameen, wax soo wada cuneen waxay ku tahay guul daro iyo nuqsaan iyo xugun jacayl. Kalidii taliyaha waxa lagu yaqaanaa in uu talada ka qaado inta raganimada leh ee ku dhowdhow oo u soo uruursado inta u nacamlaysa. Waxa loo soo joogay oo la wada ogyahay ninka sidaas u fikira in u cidlo ku danbayn doono waxna korodhsanayn.

    Waxaan u haystay Siilaanyo in u yahay nin waayo aragtinima leh, indheer garad ah, aragti fog leh, laakiin wuxuu noqday nin fikradiisu gaaban tahay oo madaxnimo uun ka fikira. Waxaadse moodaa in maanta dhagihiisu u daloolaan talada indheer garatada reer Somaliland iyo ummada, sababtoo ah dabayl nabadeed ayaa hadhaysay oo wuxuu isku qanciyey dadka ha bixin e iskaga dhex jir wax hel iyo wax waaba. In u sii wadi doono isbelkaas marka u ololaha doorashado bilaanmo in kale ayaa la is hayaa.

     Mohamed Mouse

    Ottawa Canada

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: