SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Gacmo iyo Lugo Dad oo la Sudhay Tabeelayaasha Suuqa Bakaaraha + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on November 10, 2009

    altMuqdisho(SAWNEWS)Waxaa saxaafada usoo shaac baxay muuqaalo sawiro ah oo muujinaya gacmo iyo lugo laga jaray dhawaan dhalinyaro ey xukuno ku rideen Al-Shabaab kuwaasi oo uu xukunkoodu ka dhacay xerada Maslaxa ee magaalada Muqdisho.

    Kooxda Al-Shabaab oo xukunkani fulisay ayaa waxaa ey adimada iyo gacmihii ey jareen usoo qaadeen dhankaas iyo Suuqa Bakaaraha, iyagoona suray bartanaha suuqa si ey ugu cabsi geliyaan dadka intiisa kale.
    alt
    Wali waxa ay suran yihiin adimadani tabeelayaasha Suuqa Bakaaraha inkastoo ey shimbiraha iyo cayayaanada kale iminka ka cuneen hilibka.

    Marki ey fuliyaan xukunada noocan oo kale ah ama kuwo kasii fool xun ayaa waxa ey kooxaha Islaamiyiintu ku wareejiyaan wadooyinka si ey u tusaan dadka intiisa kale, iyagoona hadafkoodu yahay in ey baqdin geliyaan dadka islamarkaana laga cabsado iyaga.

    alt
    Mar sii horeysay ayay aheyd markii nin dhalinyaro ah oo surka laga gooyay lagu dhex jiidayay wadooyinka magaalada Marka, iyadoona sarkaal u hadlay kooxda falkaasi geysatay uu saxaafada u sheegay in ey arintaasi ka damacsan yihiin sidii ey dadku ugu waano qaadan lahaayen.

    altaltaltalt

     

    Source  Calanka

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: