SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Mashaariic Malaayiin Dollar ah oo Lugu Kobcinayo Dowladaha Hoose ee Dalka

    Posted by Sawnews.tk on November 9, 2009

    Hargeysa(Sawnews)- Xukuuamda Somaliland ayaa markii ugu horeysay sheegtay in Mashaariic Maaliyiin dollar ku baxayaasn laga fulin doono dhamaan Dowladaha Hoose ee dalka si kor loogu qaado Hanaanka wax qabad ee dowlada hoose.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo Duqa Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud (Jiciir) ayaa maanta  ku soo laabtay caasimada Hargeysa markii ay soo dhammaysteen socdaal muddo todobaad ah qaatay oo ay kaga qayb galeen shir la xidhiidhay maamul wanaaga Hay’adaha Dawliga ah, oo lagu qabtay dalka Ugaandha.

    Wasiirka Daakhiliga oo madaarka ugu waramayay saxaafada ayaa sheegay in shirkaasi lagu odorasayay jaangoynta mashaariic horumarineed ee Somaliland loogu tallo galay shanta sanadood ee fooda inagu soo haya laga fulinayo Dawladaha Hoose.

    Mudane C/laahi Cirro wuxuu tilmaamay in cilaaqaadka Somaliland iyo Ugaandha uu sii xoogeysanayo, ka dib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu socdaalka ku tegay dalkaasi, waxa uu Wasiirku carabka ku dhuftay inay la kulmeen saraakiil ka tirsan dawlada Uganda.

    “Waxay dawlada Ugaandha ay Somaliland ka dhisiyaan tababarada hawl-wadeenada Hay’adaha dawlada,” ayuu yidhi Mudane C/laahi Cirro.

    Maayarka caasimada Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa sheegay in shirkani la xidhiidhay maamul daadejinta uu ahaa mid sanadle ah oo ay soo Agaasimeen Hay’adaha Qaramada Midoobay, UNDP, UN/HABITAT iyo UNICEF.

    Dhawaaqa Masuuliyinta Dowlada ee Mashaarciida Kor u qaadista Waxqabadka iyo Hab Maamulka Dowladeed ee Dowlada Hoose ayaa ka dambeyey kadib safar dheer oo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo 7 Maayar kusoo marayn Gobolka Bariga Afrika,

    Borama News Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: