SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Boorama:Guri La Garan La’yahay Cidda Gubtay Oo Si Dirqiya Ay Kaga Bedbaadeen Qoyskii Ku Noolaa+ Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on November 9, 2009

    Booraama, November 9, 2009 (Sawnews) – Ku dhawaad toban qof  ayaa ka bedbaaday kadib markii sida la sheegay habeen hore dab la qabdsiiyey, kaas oo ku yaala galbeedka magaalada Boorama, isla maarkaana shalay gelinkii hore ay ku urusanaayeen dad usoo daawasho tegay ama eegayey khasaaraha gurigaasi kasoo gaadhay dab la sheegay in si ula kac ah loo qabadsiiyey gurigaasi Abaaro 3:00 saac ee Aroornimo, dabkaas oo gebi ahaanba gurigaasi baabiiyey, kaas oo gurigaasi uu ka koobnaa ilaa lix qol oo dhagax ah, dabkaasina uu baabiiyey guriga iyo gebi ahaanba wixii hoos yaallay, balse ay naftooda uun baxsadeen dadkii wakhtigaa hurday.

    Sidda ay sheegeen dadkii gurigan oo uu lahaa ganacsade reer Boorama ah oo loo yaqaan C/laahi Caanoole, ayaa waxa hurday ku dhawaad sagaal ruux oo isugu jiray qoysas iyo dad kaleba, yaan ilaa saaka cidna la hadal, kuwaas oo ka argagaxsanaa waa ku dhacay gurigoodii, oo uu dambas ka hadhay, qaarkoodna la yaabbanaayeen, haweenay ka mid ah dadka guriga  derisku ka badbadiyeen  ayaa  sheegay inay dabkaasi dareemeen markii uu kasoo gudbay saqafka sare, lana yaabbanaa meesha uu ka yimi kuleylkan ay la seexan kari waayeen wakhti dhulku  aad u qabowyahay. kadibna ay halhaleel uga baxeen carruurtii halkaasi huruddayna si halhaleel derbiyada gurigaasi looga daadiyey.

    Dad ka tirsan deriska guriga gubtay ayaa sidoo kale sheegay in gurigaasi dabku kasoo gadhay dukaan ku yaallay halkaasi oo si ula kac ah in dusha lagaga xidhay ciddii ku dhex jirtay kadibna la gubay, isla markana wiil dhallinyaro ah oo dhex hurday dukaankasi uu ka baxay albaabka dambe ee dukaankaasi u gudbiya dhinaca guriga intiisa kale, isagoo furi kari waayey albaabkiisa birta ah ee dusha lagaga xidhay biraha dhismaha loo isticmaalo oo lagu laabay.

    Ma jiraan ilaa imika cid loo qabtay, isla markaana ciiamada kala duwan ee amniga Boorama oo aan wax ka weydiinnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan sida wax u dhaceen. Hase yeeshee waararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan gubashada gurigaasi ayaa qaybo ka mid ah dadka ka ag-dhawaa xaafadda gurigaasi ku yaalla sheegeen in  la tuhunsan yahay in dabkani ahaa mid  loola badheedhay  nin iska lahaa dukaanka  gurigaasi ku dhejisnaa  oo  colaadi ka dhaxaysay  koox dhallinyaro ah oo ay isku qabteen hawl ay ka qaban lahaayeen dukaankaasi hase yeeshee la isku afagaranwaayey ,kaddibna kooxdaasi ugu hanjabeen inay dukaan lahaasi tallaabo ka qaadi  doonaan ,ama ka aarsan doonaan .

    Ninkii dukaanka lahaa oo isagu an muuqan  dukaankiisii baaba’ay ,ayaa sidoo kale warar an la xaqiijini sheegeen inuu usoo kicitimay dhinaca Hargeysa .

    Inkastoon si dhab ah loo ogeyn sababta keentay gubista guri dhan  oo ay qoysas iyo ubad ku noolyihiin ayaa reer Boorama qaarkood soo xusuusisay falalka noocan ah oo soomaalida loogu geysto dalka koonfurta  afrika ,wana falkii ugu horreeyey ee noociisa ah ee sannado badan lagu arko Boorama ,iyadoo dhinca kale dareenno kala duwan ka bixiyey  in cidda falkaasi geysatay ay ka mid yihiin dadweynaha degaanka Boorama iyo inay meelo kle ka yimaaddeen .

    Falkan aya sidoo kale dadweynaha magaalada  dareensiiyey dhibaatada iman karta  haddii dab  intan ka badani ka dhaco Boorama ,kaasoo  an loo hayn  qalab dadba lagu bakhtiiyo maadaama magaalada Boorama oo ay ku noolyihiin ku dhawaad 180 kun  oo qof  an laga helayn hal gaadiidka debdemiska ah.

    Salalnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: