SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xukuummadda Somaliland oo Shuruudo ku Xidhay Xujaajta Sanadkan Iyo Khatarta Hargabka Doofaarka

    Posted by Sawnews.tk on November 8, 2009

    Hargeysa(Sawnews) Nov. 07, 2009 – Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe Maxamed, ayaa maanta shaaca ka qaaday in Wasaaradiisu ay keentay tallaalkii Hargab-doofaarka isla markaana wuxuu sheegay in aanu waajibaadka xajka soo gudan doonin xaajiga aan qaadan tallaalkan.

    Wasiirka Caafimaadka oo maanta saxaafada ugu waramayay Xafiiskiisu wuxuu sheegay in xukuumada Somaliland ay dedaal ugu jirto sidii looga gaashaaman lahaa xanuunka Hargab-doofaarka oo uu xusay inuu soo gaadhay wadamada jaarka la ah Somaliland.

    “Waxaan idiin sheegayaa in rasmi ahaan Wasaarada caafimaadku u keentay Tallaalkii Hargab doofaarka, mana dhoofaya qofka aan qaadan tallaalkan. Waxaanu dadweynaha Somaliland gaar ahaan kuwa sanadkan soo gudanaya waajibaadka xajka in aanay ka tagin tallaalkan oo laga helayo Madaarada Hargeysa iyo Berbera waxa kale oo laga helayaa cisbitaaladda dalka,”ayuu yidhi Md. Cabdi Haybe.

    Agaasimaha Guud ee Wasaarada caafimaadka Anwar Maxamed Cigge ayaa isaguna sheegay in xujaajta looga baahan yahay inay qaataan tallaalka maadaama ay tagayeen meel ay isugu imanayaan malaayiin dad ah oo ka kala yimid qaarado kala duwan, taas oo ah siyaabaha uu ku fidi karo xanuunkani.

    Madaxa Hay’ada WHO Marwo Aasiya Cismaan oo ka hadashay shirkaasi ayaa sheegtay in talaalkani yahay mid la hubiyay oo ay damaanad qaadayso tayadiisa Hay’ada WHO iyo Wasaarada caafimaadka Somaliland. Waxaanay xujaajta ugu baaqday inay qaataan tallaalkan.

    Ramaasnews Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: