SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Borama::(Sawiro+Warbixin ) Dood ku saabsan Xawaaladaha iyo Saamaynta ay ku yeelatay Bulshada (Presented Maskaxmaal)

    Posted by Sawnews.tk on November 7, 2009

    altBorama(SAWNEWS) Caawa ayaa madasha Akhriska  ee maskaxmaal waxa ay soo bandhigtay Dood ku saabsan Xawaaladah iyo saamaynta ay ku yeelatay Bulshada , Doodan ayaa caawa xiisaheega lahayd, waxa ka soo qaybgalay dhaliyaro ubadan ardayda jaamacada dhigata iyo kuwa kale ee dhigta Dugsiyada Sare iyo Dadka kale oo marti sharafa.

    Madashan maskax maal ayaa waxaa soo diyaariya Dhalinyaro mutacallimiin oo ka soo qalinjabiyay jaamacada wayn Ee AMUUD UNIVIRSITY .jaamiciiyiintan aya waxa ay iskugu jiraan rag iyo dumar , kulankan ayaa ka duwanaa kulanadii hore ay uqaban jireen kaas oo ahaa oo qudha buug la akhriyo dabadeedna Su’aalo la iska waydiiyo.

    Caawa madashu waxa ay ahayd weerar iyo weerar celin.

    Doodan ayaa waxaa caawa soo diyaariayay  Pro: Maxamed Cali  Cismaan, Pro:Maxamed Pakistani, Pro:Cabdale Cali Yuusuf, iyo Drs: Yurub.

    Doodan ayaa sida caadiga ah waxaa fura xubin ka mid ah xubnaha ururkan maskaxmaal Pro:Ridwaan  pro:waxa uu sheegay inay furantahay madashu sidaas ayuuna ku furay.

    Intaa ka bacdi waxaa loo guda galay doodii caawa oo ahayd Xawaaladaha iyo saamaynta ay ku leedahay Bulshada, Doodan ayaa waxaa si toosa uhogaaminayay Pro:Cabdle isaga ayaaan uqaybinayay dooda dadka iska soo horjeeday.

    Doodan waxaa dhinaca Negativeka ka hadlayay Pro:Maxamed Pakistani Dhinaca positivkana waxaa ka soo jeedayay Pro:Maxamed Cali  Cismaan iyo Drs:Yurub.

    Maxamed Cali Cismaan oo doodiisii bilaabay ayaa waxa uu ka hadlay wadankii ugu horeyay ee bilaabay Xawaalada isaga oo sheegay inuu ahaa Dalka Hindiya, sidoo kale waxa uu sheegay in la bilaabay xawaaladaha  1960 waqtigaa la bilaabay ayaa waxaa ay dadku so diri jireen dibada ku nooli Seddexboqol oo milyan intii ka danabaysay waqtigaana ay isa soo taraysay oo ilaa iminka ay marayso   750milyan oo dollar in la soo diro aduunka oo dhan .

    Markaa waxa uu sheegay pro; in ay tahay mid faa’iido u ah bulshada  xawaaladuhu.

    Sidoo kale halkaa waxaa doodiisii ka soo jeediyay maxamed Pakistani oo sheegay inay Xawaaladuhu Dadka ay la hadheen jidh ahaan, maskax ahaan iyo bulsho ahaa.

    Isaga oo arinkaas sababaynayana waxa uu yidhi dadkan lacagta soo dirayaa waxa ay usoo dirayaan qof aan shaqaysan oo lacagta loo soo diraa jaadku cunaya ama ku tahriibaya marka waxa uu sheegay hadii ayan jiri lahayn xawaaladuhu waxaasi ma dhaceen.

    Sidoo kale halkaa waxaa doodii qaadatay Drs:Yurub iyada oo sheegtay in xawaaladii barakaad ay ku xidhan tay dhawrqodob oo umuhiim ah nidaamka xawaaladeed kuwaas oo kala ah  habka  Dabagalka, Habka taransparanciga  iyo sharciyaynta iyo ka diiwangalinta meesha ay ka shaqaynayaan.waxa kale oo ay sheegty hadii ay taas samaynwaayaan xawaaladuhu iminka waxa ay marayaan halkii Albarakaad martay.

     alt

    Ugu danbayntii halkaa waxaa la isku dhaafsaday su’aalo iyo jawaabo , madashina waxa ku soo xidhantay halkaas

     
    alt

    alt

    alt
    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt
    Reporter:Jaabir Ali Omer

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: