SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Oo Maagaalada Hargaysa Ka Bilaabay Furashada Xafiisyadii Olaha Doorashada Madaxtooyada

    Posted by Sawnews.tk on November 6, 2009

    Hargaysa (Sawnew)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa maanta xafiis cusub ka furtay Degmada 26-juun ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo uu xisbigu ugu talo-galay inay qayb ka noqoto goobaha laga hagayo ololaha doorashada madaxtooyada ee waddanka ka qabsoomi doonta.

    Xaflad ballaadhan oo loo ameeyey furitaanka xafiiskaa,a yaa waxa ka soo qaybgalay Hogaanka sare ee Xisbiga UCID, Maamulka Gobolka, Garabyadda kaladuwan ee Haweenka iyo Dhalinyarada iyo taageerayaal kale oo tiro badan.

    Furitaanka xafiiskan cusub ee Xisbiga UCID ka furay degmada 26-juunayay, ayaa masuuliyiintii ka hadashay waxa ay ku tilmaameen mid wax weyn ku soo kordhin doona degmadaas, oo aanu xisbigu hore ugu lahayn xafiis.

    Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay xafladaas ayaa sheegay in degmada 26 juun tahay degmo balaadhan oo dad badani ku nool yihiin oo taariikhna ku leh halgannadii kala duwanaa ee dalku soo maray, isagoo xusay in ay farax weyn u tahay in ay xafiiska furtaan degmada 26 juun.

    Guddoomiyuhu waxa uu ka waramayay dhibaatooyinka iyo duruufaha kataagan wakhtigan dalka sida Tahriibka, shaqo la’aanta iyo horumarkala’aanta dalka, waxaanu ku eedeeyey xukuumada madaxweyne Rayaale inaanay dalka waxba ku soo kordhin muddii ay xilka haysay oo ku sida uu sheegay 7 sano ku siman.

    “Madaxweyne Rayaale imika waxa uu xilka hayey mar uu madaxweyne ahaa iyo mar uu madaxweyne ku xigeen ahaa muddo ku dhow 15 sanadood, waxa uu qabtayna ma jirto, walaalayaal waynu ognahay dhibaatada dalka ka jirta, waxaynu ognahay in maanta dhalinyaradeenii dalka ka cararayso markii ay shaqowaayeen. waxaa ka daran hablaheenii caarka ahaa ayaa tacabiraya dhibaatooyin waa weyn ayaa soo gaadha, oo imika 80 hablood oo reerSomaliland ayaa ku xidhan jeelada Liibiya.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe,

    Waxaana uu intaa raaciyey oo uu “Dalkeena waxaa ka jira shaqo la’aan badan iyo horumar la’aan xukuumada maanta jirtaana wax ay qabtay ma jiro, haddana waxay doonaysaa in xil loo doorto. waxaanay haddii aad horumar iyo wax qabad doonaysaa codkii wax kudoortab oo laba xisbi mucaarad ee UCID iyo Kulmiye doorta oo kaIlaaliya codkiina in aad siisaan UDUB, haddii aad UCID siin waydaanKulmiye siiya.”

    Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Maxamed Mire Waqaf oo isna xafladaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha lagu doorto hogaanka fiican iyo sida loo bedelo hogaanka ku guuldaraysta waxyaabaha ay ummadiisu ku doorato, waxaanu sheegay Waqaf in loo baahan yahay in maamulkasta oo ku fashilma in uu dadkiisa horumar gaadhsiiyo in loo baahan yahay in maalinta doorashada ay dadweynuhu cod kooda kaga argoostaan, isla markaana ay doorto cidda looga arko in duruufaha dalka ka taaganka saari karo.

    Waxa kale oo xafladaas lagu furayay xafiiska xisbiga UCID ka hadlayAfhayeen Xisbiga UCID, Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Guddoomiyayaasha Garabyadda Haweenka iyo Dhalinyarada, kuwaas oo sheegay in xafiiskaasi wax weyn ka tari doono dooraka ka qayb-galka ololaha doorashada ee xaafada 26-ka June

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: