SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dhakhtarka wayn ee Fistulaha Borama oo Sanad guuradiisi Kowaad la Xusay + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on November 6, 2009

    altBorama(Sawnews)Munaasabad si heer sare loo soo agaasimaya ayaa maanta lagu qabtay Dhakhtarka wayn ee cisbitaalka Qaranka ee  Fistulaha , oo ah qaybta dawaysa isku furanka ka dhaca marka ay dumarku umulayaan oo ay isku furanto kaadi-haysta iyo qaybta Saxarada marta.

    Munaasabadan ayaa waxaa soo agaasimay Labada dhakhtar ee Aas aasay Hospitalkan  oo kala ah Dr: Ibraahim Saciid Qaws oo ah Agaasimaha Hospitalkan  Iyo Dr:Saciid Axmed Walhad.

    Munaasabadan aya waxaa ka soo qaybgalay Mas’uuliyiin Heer gobol , Heer degmo, Salaadiin, Boqoro,Culimaudiin, Dad laga daweeyay Cudurka Fistulaha oo dumara iyo Bahda Saxaafada.

    Ugu horeyn halkaa waxaa ka hadlay  Dr:Saciid Axmed Walhad, Dr waxa uu  umahadnaqay Ka soo qaybgalayaashi munaasabadan , waxa kale oo uu ka sheekeeyay Taariikhdii La bilaabay Dawaynta xanuunkan Fistuulaha ah , waxa uu sheegay intayna u soo guurin dhismahan way nee casriga ah ee ay iyagu leeyihiin inay qaliinka ku samayn jireen Dhakhtarkii hore ee ay ku jiri jireen, waxa kale oo uu sheegay Dr walhad inay si toosa u bilaabeen 2008/10/5 Qaliinka Fistulaha  kuna sameeyaan dhakhtar gaar ah oo ka mid ah allaale Hospital, Dr waxa uu sheegay inuu u mahadnaqayo Urur Qurba jooga oo ka caawiyay intay ku jireen hawshan   ururkaas oo la yidhaahdo CAWO kaas oo ka jira Wadanka maraykankan gaar ahaan Gobolka Minasota waliba ururkaas oo gabdha ah, waxa kale oo Dr Walhad sheegay Ururka GARGAAR  oon  Ka jira wadanka NORWAY kaas oo uu ka caawiyay  Sariiraha bukaankan la dhigayo. Sidoo kale dhakhtarku waxa uu sheegay . ay Hay’adaha ay ka midka yihiin  World vision iyo WFP oo iyagna taageero siiyaan Cusbitaalkan Fistulaha lagu dawaynayo.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Dr:Ibraahim Siciid Qaws, Dr waxa uu mahad celiyay Ka soo qaybgalayaashii  munaasabadan , waxa kale oo uu sheegay qaliinkan Fistulah in uu had iyo jeeraale ku dhaco Gabdhaha da’ada yar ee heli waayo marka ay dhalayaan Daryeel caafimaad kuwaas oo ay fooshu ku raagto, sidoo kale dhakhtarku waxaa uu sheegay dadkan ay inta badan ay usameeyaan qaliinadan noocaanoo kale ah inay ka kala yimaadaan gobolada soomaaliya oo dhan iyo somalilandba, Dr waxa uu sheegay in sanadkan ay qaliin u sameeyeen 420 haweena ,  kuwaasoo iminka ku soo laabtay noloshoodii caadiga ahayd iyadoo markii hore la takoori jiray ayuu yidhi Dr Qaws. Dr waxa kale oo uu yidhi waxa ay ahayd in sanadkiiba intaas la sameeyo laakiin iyadoon gaadhin in sanadkii tiradii loogu talagay ay kor udhaafiyeen qaliinkii loo samaynayay dadkaas qaba Cudurka Fistulaha ah taasna waxaa suura galiyay illaahay ayuu yidhi Dr Qaws.

    Dr Qaws waxa uu sheegay in Hay’ada WORLD VISSION ay had iyo jeeraale ka caawiso sidii ay bukaanka u keeni lahaayeen dhakhtarka waxa ayna inta badan bukaanka ka soo qaadaan Somaliland iyo Somaliyaba.  Gobolka Gabilay , Awdal iyo Salal oo uu yidhi Dr Qaws ma jiraan Gabdho qaba cudurkaas hadii ay jiraana waa la daweeyay.

    Dr waxa kale oo uu sheegay inay sanadka soo socda ay ku tala jiraan inay libin laabi doonaan qaliinkaas oo ay fili doonaan inay qaliin usameeyaan ilaa 700 qof

    Dr Qaws waxa uu sheegay in gobolada soomaaliya Dadka caafimaadka ujooga ay had iyo jeeraale la soo xidhiidhaan la talina ay u sameeyaan.

    Sidoo kale Dr qaws waxa uu sheegay in qaliinka fistuluhu yahay mid bilaasha looogana baahan yahay cid alla cidii xanuunkaa qabta inay timaado xarunta caafimaadka eeFistula Hospital

    Sidoo kale halkaa waxaa ka Hadlay Boqor saleebaan Maasheeye iyo Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal Labaduba waxa ay sheegeen inay u mahdcelinayaa Dhakhaatiirtan Dr:Qaws iy Dr:walhad Sida wanaagsan ee ay ugu adeegayaan Bulshadooda waxa ayn ku dhiiri galiyeen inay sii wadaan waxqabadyadooda ay bulshada u hayaas.

    Waxayna ka codsadeen qurba joogta dibada in la taageero Dr :Qaws iyo Dr:Walhad laguna taageero Sida wanaagasan ee ay bulshadooda  itaalka Daran ay ugu gargaaraan.

    Sidoo kale halkaa waxaa Goob jooge ka ahaa labada mas’uul oo kala Ah. Agaasimaha Dhakhtarka way nee Borama Hospital iyo Gudoomiyaha labada gobol Salal iyo Awdal ahna xubin ka tirsan golaha Fulinta ee Xisbiga UCID Axmed Mu’min Seed labaduba halkaa kamay hadlin. Waxa halkaa ka maqnaa mas’uuliyiintii dawlada iyada oo la odhan karo waxa ay ahayd inay ka soo qaybgalaan arimahan Bulshada loo qabto laakiin waxaa laga yaabaa inay hawlo kale oo danta guuda inay ku maqanyihiin

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay laba dumara oo laga daweeyay xanuunkaa oo la kala yidhaahdo Hibo Nuur Siyaad ,  Xaali Cali  iyo oday islaantiisii lagu daweeeyay Dhakhtarkan Fistulaha oo la yidhaahdo Maxamuud Macallin islaantiisan la yidhaahdo Timiro Maxamed Dhamaan dadkaasi oo dhan waxa ay umahadceliyen Illaahay caafimaadka siiyay mar labaadna Dhakhtrar Qaws Iyo Dr:walhad oo ay yidhaahdeen waxa aynagu soo dareen bulsho aan ka takoornayn .

    Ugu danbayntii halkaa waxaa nalagu soo tusay  waardhka wayn ee lagu dabiibo dadka qaba fistulaha.

    Runtii waxa la odhan karaa labadan Dhakhar  QAWS iyo WALHAD waxa ay u qabteen ama u qabtaan marwalba  bulshadooda ku nool Somaliland  iyo gobolada ay ka soo jeedaan aan la koobi Karin .

    Tan oo qudha ma aha laakiin waxa kale oo ay bulshada u hayaan ayaa hawlo badan oo samo fal ah .

    Dhakhaatiirtan waxa ay mudan yihiin in la qiimeeyoo waxtarka ay u hayaan bulshadeeda ka gadaalna la gudoonsiiyo Shahaado sharaf Noble. Taas waxaaan u dhaafayaa Bulsha waynta Somaliland.
     

     alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    Reporter:Jaabir Ali Omer
    Borama(Bnn

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: