SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Bulshada Awdal iyo Salal Degan Ma Ku Jiraan Dad Mudan In La Siiyo Bilad Sharaf Sanadkan cusub ee 2010?

    Posted by Sawnews.tk on November 6, 2009

    u_2d_2009-4-27-19-9-37f_handwritenDunida aynu ku nool nahay waxaa sanad walba korkeeda ka dhaca xaflado waa weyn oo abaal marino lagu gudoonsiiyo dadka waxqabad wanaagsan ku soo kordhiya bulshada caalamka, sida Hurinta Nabada, Xalinta Khilaafaadka, Horumarinta Adeegyada Bulshada, Fidinta Warbaahinta, Soo saarista Aflaamta, Sameynta Heesaha, Curinta Aaladaha qariibka ah iwm, Sidaas si la mid waxa aynu inta badan maqalnaa ama aragnaa dad Reer Awdal ah oo baladka gudihiisa lagu gudoonsiiyo waxa loogu yeedho Shahaado Sharaf ay ku muteysteen wax qabad wanaagsan iyo wax tarka umadda Awdal iyo Salal Degan, Hadaba su,aasha meesha taalaa waxa tahay shakhsiyaadka bixiya shahaado sharafta ma ka fekeraan su,aasha ah sanadkan yaa wax wanaagsan soo kordhiyey oo mudan in shahaado sharaf la siiyo? mise kii ka horeeyey ee shahaado sharaf bixiyey halkii uu marey ayuu ka dembena masalaha daba dhigtaa? Aniga waxey ila tahay ma jirto fekrad ah yaa sanadkan wax soo kordhiyey oo mudan in shahaado sharaf la siiyo? Haddii ay taasi meesha jirto waxaa iman lahayd tartan (Competition) lagu tartamo wanaaga iyo waxqabadka bulshada.
     
    Hadaba haddii ay taasi meesha ka maqan tahay waxaan leeyahay waxaa jira oo nool dad badan oo Reer Awdal ah oo mudan in la siiyo bilad sharaf ay ku muteysteen waxqabadkooda wanaagsan, waxaa haboon in aan magacyadooda muujino waxey ku muteysteena media-ha soo dhigno, Inkasta oo aan dadkaas qoraal ku dhameytiri karin hadana qof iyo qodob gaaban haan ka dhawaajiyo.
     
    1- Haji Idiris Muhumed Sacad.
     
    Magaalada Borama waa magaalo madaxda Gobolka Awdal, waa indhiha iyo ileyska ay nuurka ka qaataan bulshada Reer Awdal, waana halka uu abwaan hal abuur yaqaan ka lahaa indhihii basaasow Borama ma aragteen, tiraabta taas ah waxey tisqaadey markii magaalada Borama laga taagey Hutel Rays, ka hor intii aan Hutelku magaalada Borama ka tisqaadin waxaa caasimada lagu tilmaami jirey magaalo madax aan lahayn hoyaad Hutel oo haqab tira niyada iyo hamada ruuxa martida ah, Hadaba bineyntii iyo bud-dhigii Hutel Rays maxaa Borama iska badaley? wax badan baa is-badalee bal aan bildhaamiyo mid iyo laba.
     
    -Waxaa sare u kacdey siyaasada beesha Samaroon oo yeelatey hadaf xisbiyeysan iyo hoy xariir ah oo ay ka duusho.
     
    -Waxaa kor u kacey guurka barbaarta Reer Borama oo haasaawaha lagu sheekeystaa shukaantiisu noqotey, hadaanad Hutel Rays iiga tumeyn taasha cad ha i saarin, talo hadaagsan ha iila iman, tamar aanad laheyna tafteyda ku dhandhamin meysid, waa halheyska hablo dhamaantood dhagta isugu sheegaan.
     
    -Dadka qaar baa ku dalxiisa dhexdiisa oo dubaaqa ka daarira in ay dibad u baxeen, dabadeedna daawada deerada iyo cawsha dalxiisayaasha loo carbiyey, ubaxa bildhaamee oogada hareeraha hutelka ka muuqdaa maxabo jaceyl iyo magaaladuu ruuxaasi sii joogo ayey niyadiisa galisa.

    Mulkiilaha Hutel Rays wuxuu la masaal yahay dayax afar iyo tobnaad ah oo habeen gurcudoo madow u soo baxey magaalada Borama, maadaama uu kor u qaadey dhaqaalaha, bilicda iyo quruxda magaalada Borama wuxuu inaga mudan yahay inaan Bilada Shafar siino sanadkan cusub ee bilanaya 2010.
     
    2- General Mohamad Hudhun.
     
    General Mohamad Hudhun waa muwaadin u dhashey Gobolada Awdal iyo Salal, waa halyey dhiigiisu diiran yahay oo dhabarka u ritey in uu dhulkiisa gaadh-wadeen ka ahaado, dhaayihiisu ma libiqsadaan, dhirbaaxadiisu ma libidho, dharaaraha ay daran tehee jaarku isu turuqya sheegto talaabadiisu ma qarsoona, dhab ahaan tiina wuxuu dhaar ku marey inta uu dhabankiisu dhulka ka sareeyo in uu dhulkiisa u hurayo awooda ilaahey siiyey, waxaan ku qiimeynayaa hawsha qaran ee uu hayo, waxaan ku qadarinayaa ilaalinta xeebaha Gobolada Awdal iyo Salal, waxaan qoraalka ugu hiilinayaa hambalyana u leeyahay ciidiisa uu aaminey, carbinta iyo cashir bixinta ciidan u hogaansan difaaca dalka iyo dadka kuwaasi oo aan huwaneyn magac degaan balse huwan oo dugsanaya magac dawladeed, maadaama oo uu kor u qaadey difaaca iyo ilaalinta xeebaha dalka wuxuu inaga mudan yahay inaan shahaado sharaf siino sanadkan cusub ee bilanaya 2010.
     
    3- Sheekh Hassan Daheye.
     
    Sheekh Hassan Daheye wuxuu ka mid yahay culumada waa weyn ee dalka Somaliland, wuxuuna gobolka Awdal dib ugu soo laabtey sanadihii sideetameeyadii, wakhtigaas waxaa Gobolka Awdal iyo Geyiga soomaalidu degto aad ugu fara badnaa dadka iyagu aaminsan dariiqada khurafaadka iyo foox shidka Awliyada, Garashada astaameed iyo Gafka ay adeegsan jireen waxaa god sal-gaadh u ahaa qubuuro caabudka halka madadka, miciinka, murqaamka, maxabada iyo muraaqada ay la jilbeysan yihiin ku jiheysneyd siyaasada sheekha ay la shahaado tirsadaan, Wakhtigaas waxaa is weydiin mudan su,aasha ah talow inta tukata mooyiyee inta kale ma taqaaney habka loo istijoodo?
     
    Sheekh Hassan Daheeye barigaa barashada diinta Islamka ee uu dadka ugu baaqayey mey dhaafsiisaneyn dhow iyo afartanka xadiis ee arbiciinka ah maxaa yeeley xukuumaddii wakhtigaa jirtey ee uu madaxweynaha ka ahaa Mohamed Siyad Bare waxey weysada sharka u biyeysatey xakameynta dacwada diinta Islamka iyo faafinta kheyrka Rabi, sheekhu uma jixin jixin jaleecada naxariista daran ee ay dawladii siyaad bare ku ugaadhsaneysey culumada soomaaliyeed ee ku faruurya xidhnaa fidinta dacwada diinta Islamka ka dib markii ay dhacdey dawladii dhexe ee dalka ka talineysey sheekhu wuxuu ku dadaaley in uu dib u aasaaso waxbarashada Gobolka Awdal ee abaadey, iyada oo qof waliba qirin qiir ku tahay sida uu u heli lahaa quutal daruurugiisa ayuu sheekhu ku mitidey sida uu qalinku u shaqeyn lahaa misana wuxuu qotomiyey tiirashii madarasada Al-aqsa, masalada markan taala baa waxey tahay, maxey ahayd sababta uu sheekhu u doortey magacan? Al-aqsa waa magaca masaajika barakeysan ee ku yaala beytal-qudus waana masaajidka saddexaad ee umadda Islamka kaas oo ahaan jirey jihadii hore ee ay u jeesan jireen umada Islamku marka ay tukanayaan ka hor intii aan nabigeena Muxamaed c.s.w aan lagu faral yeelin in ay umadiisu u jeesato masaajidka barakeysan ee Maka al-Mukarama marka ay tukkanayaan, masaajiska Al-aqsa waa madashii nabigeena suuban c.s.w laga dheelmiyey habeenkii Israa-Wamicraajka, waana martabadii uu nabigeena suuban c.s.w ku muteystey darajada Imaamul mursaliin ka dib markuu laba rakcadood uu ku tujiyey dhamaan rusushii uu ilaahey soo direy iyo nabiyadii uu doortey oo dhan ka hor intaan samada loo dheelmiyin, sababahani waxey u dhow yihiin kuwa ku kalifey sheekha in uu madarasada uu waxbarshada gobolka awdal ku soo nooleeyey ugu magac daro, sidaas oo ay tahay sheekhu wali kama hadhin dacwadii diinta waxaana dubaaqiisa ka go,an in uu soo saaro jiil firfircoon oo u hiiliya diinta Islamka, waa wasaarad waxbarasho iyo maktabad diini oo xay ah xikmado badana ku xayndaaban yihiin xayaaka laah baan sheekha leenahay wuxuuna inaga mudan yahay inaan siino shahaado sharaf sanadka cusub ee bilanaya 2010.
     
    4- Wariye Mohamed Omar Hyene.

    Wariye mohamed omar sh.Ibarim wuxuu ka mid yahay wariyayaasha ka hawl gala guud ahaan somaliland gaar ahaana labada gobol ee mataanaha ah awdal iyo salal, saxaafada kuma cusba sanada badan buu ku soo dhex jirey, sawdkiisa iyo sibaaqa qalinkiisu waxey aad uuga dhex muuqdeen wasaaradii warfaafinta jabhuuriyada damuquraadiga somaliya gaar ahaan Radio Muqdisho, khibrad dheeriya ayuu u leeyahay mihnada saxaafada, waana wariyaha kaliya ee wariyayaasha somaliland oo dhan saacad gudeheed warbixin ku diyaarin kara, qalinka uu wax ku qorayaa wali khadkii kama dhamaan xaashiyaha uu wax ku dhigayaana wali dhamaad buuxiyo wax u dhow ma leh, dhowr jeer ayey xukuumadu xidhey si ay u hakiso una xakameyso xoriyatul qowlkiisa, wariye mohamed omar Hyene wuxuu daarey oo uu dabka u shidey kobcinta wabaahinta gobolka Awdal wuxuuna inaga mudan yahay inaan siino shahaado sharaf sanadkan cusub ee bilanaya 2010.
     
    Inkasta oo ay jiraan dad badan oo ka mid ah bulshada reer awdal oo waxtarka dalka ay u hibeeyeen muuqdo misana aan la qarin karin hadana waxaa haboon in sanad kasta qof lagu qimeeyo wax qabadkiisa iyo waxa uu ku soo kordhiyey bulashada degan gobolada Awdal iyo Salal.
     
    Qalinkii iyo Qormadii
    Abdirasaaq Hammaal.
    rasiiqi07@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: