Xukuumada Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday In Sucuudigu Xayiraadii ka Qaaday Xoolihii Soomaalida
Posted by Sawnews.tk on November 5, 2009
“Waxaan Shacbiga Somaliland Ugu bushaaraynayaa in La furay Xoolihii Soomalida” Wasiirka Xanaanada Xoolaha
Hargeysa(SAWNEWS) Nov. 04, 2009 – Xukuumada Somaliland ayaa caawa shaaca ka qaaday in dawlada Sucuudigu ay xayiraadii ka qaaday xoolaha Soomaalida oo ay xayiraad ku soo rogtay muddo toban sano ku dhowaad ah, ka dib markii la sheegay in ay xoolaha Soomalidu qabaan xumada Rifti faali.
Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradaasi ayaa daboolka ka qaaday warkan, waxaanu tilmaamay in Sucuudigu uu si rasmi ah saaka xayiraadii uga qaaday dhoofkii xoolaha, waxaanu yidhi “Waxaan ummadda reer Somaliland u sheegayaa war farxad leh oo la xidhiidha in dawlada Sucuudigu ay xayiraaddii ka qaaday dhoofka xoolaha Soomaaliyeed laga bilaabo caawa oo bisha November ay tahay 5, markabka ka baxa dekada Berbera wuxuu toos ugu xidhanayaa Jidda. Waa dedaalkii dawladeenu ay ku jirtay ee dagaalka badani ka qabsaday, ee codowgeenu isku dayay inaanu Maxjarkeena Berbera oo ah ka maanta furay xoolaha laga hortago.waxa mahad leh dadweynaha Somaliland ee gacanta ka geystay. Waxaan mahada ugu weyn u celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo go’aan adag ka gaadhay dhismaha maxjarka caafimaadinta xoolaha ee Berbera.”
“Waxaan dadweynaha u sheegayaa in Dawlada Sucuudigu ay faraha ka qaaday xoolahii soomaalida si ay toos ugu yimaadaan suuqyada Sucuudiga, dekada ugu weyn ee uguna muhiimsan ee ay xooluhu ka dhoofayaana waa Berbera.
Maantaba shirkadihii waaweynaa ee dhoofka xoolaha gaar ahaan shirkada AL-Jaabiri waxay amar ku bixisay in 100,000 neef ay ka qaadaan dekada Berbera waxaana markabkii u horreeyay uu dekada ka bixi doonaa muddo toban cisho ah gudahood,”ayuu yidhi Dr. Idiris Ibraahim Cabdi.
Wasiirka Xanaanada Xooluhu wuxuu Ganacsatada Somaliland ka dalbaday inay xoolaha ay dhoofinayaan mariyaan Maxjarka caafimaadinta xoolaha ee Berbera, waxaanu tilmaamay in shan dal oo kale oo ku yaala Khaliijku ay ictiraafeen.
“Ganacsatada Somaliland waxaan ku boorinaynaa inay gacan ka geystaan caafimaadinta xoolaha oo ay max-jarka isticmaalaan si aanay mar dambe caqabad kale oo xoolaha ah aynaan ula kulmin,waxaan aad u adkayn doonaa habka caafimaadinta xoolaha. Waxaan Ganacsiga leeyahay lama kalo xigo xiligan dhoofka xoolaha kii Jaabiri iyo Ganacsigii hebel iyo waxaasi ma jiraan. cid allaale iyo cidii reer Somaliland ah ee xoolo u dhoofinaysa Sucuudiga waa u fasax,”ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xoolahu.
Wasiirku wuxuu ka digay in ganacsatada xoolaha ee ajanabiga ahi aanay tagi karin Sayladaha balse ay ku yeeshaan wakiilo muwaadiniin
Leave a Reply