SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ciidamadda Amaanka Somaliland Oo Madaarka Hargeysa Ku Qabatay Laba Nin

    Posted by Sawnews.tk on November 5, 2009

    booliskaHargeysa(Geeska) -Xukuumadda Somaliland ayaa adkaysay ammaanka kadina cirka iyo dhulka ee laga soo galo dalka.

    Adkaynta ammaanka oo aan war rasmi ah laga soo saarin ayaa la xidhiidha sidii looga gaashaaman lahaa weeraro ka yimaada kooxda Al-Shabaab oo dhawaan ku hanjabay inay weerar ku qaadi doonaan dalal ay Somaliland ku jirto, iyadoo ay toddobaadkii horena ku beegnayd sannad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay markii weerarada argagixiso ay ka dhaceen saddex goobood oo ay ka mid tahay xarunta madaxtooyada Somaliland. Goobaha ammaankooda aad loo xoojiyay waxa ka mid ah madaarada dalka ee ay diyaaraduhu ka haadaan kana soo degaan iyo kaantarolada magaalooyinka laga soo galo oo iyagana aad loo hubinayo. Ciidamada ammaanka ee madaarka Hargeysa ayaa shalay qabtay laba wiil oo dhallinyaro ah. Ma jiro wax war ah oo ay ciidanku ka soo saareen qabashada labadaas nin, balse goob joogayaal markii la qabanayay madaarka ku sugnaa ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in labadaas nin la qabtay markii ay diyaaradda ka soo degeen, iyadoo islamarkiibana loo dhaadhiciyay mid ka mid ah saldhgiyada boliska ee Hargeysa.

    Saraakiil ka tirsan ciidanka Boliska oo uu Geeska Afrika arrintan wax ka weydiiyay ayaa ka gaabsaday, waxase la sheegay in raggaas lagu hayo baadhis la xidhiidha sababta loo xidhay. Labadan nin oo ah Somali, ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dalka Maraykanka.

    Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay inuu hay’adaha ammaanka ku amray inay xoojiyaan ammaanka guud ee dalka, si looga hortago wax kasta oo dhibaato u gaysan kara nabadgelyada Somaliland.
    Source: http://www.geeska.net ,

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: