SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Sir Fakatay: Haya’dii Inter-peace oo Shirqooladii ay Somaliland La Maaganayd Halkii Ka Sii Wada

    Posted by Sawnews.tk on November 4, 2009

    hand writingSoomaalidu waxay ku maahmaahdaa sir ma qabe alloow sahan ah. Tan iyo intii xukuumadda Soomaaliland dalka ka saartay hay’addii Inter-peace, waxa madaxdii hay’adaasi isku mashquulisay sidii ay kooxaha mucaaradka u kasban lahaayeen, una isticmaali lahaayeen sidii ay ugu meel mari lahayd hindisahooda nabad-burburineed ee ay ka wadaan guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaana mandaqadda Geeska Afrika. Hay’addani waxay xidhiidh qarsoodi ah la soo samaysay gudoomiyaha golaha wakiilada Md. Cirro iyo gudoomiyaha xisbiga Ucid, isla markaana ah musharaxa jagada madaxweynaha e xisbigaas Md. Faysal Cali Waraabe,……

    iyadoo madaxii hay’addaas ee Samora isagoo adeegsanaya xoghayntiisa gaarka ah oo kasoo jeedda waddanka Finland oo ah dalka uu gudoomiyaha golaha wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Faysalba baasaboorkooda haystaan, reerahooduna ku noolyihiin.

    Howlihii hordhaca u ahaa ee ay hay’adaasi gacanta kula jirtay waxay bilaabmeen ayaamihii qaska iyo wareerku ka jirey golaha wakiilada dhexdiisa, iyadoo ay kicinta iyo abaabulka wixii dhacay oo dhan ay gadhwadeen ka ahaayeen gudoomiyaha wakiilada Md. Cirro iyo ku-xigeenkiisa Md. Samaale iyagoo wakiil ka ah Mr. Samora, sameeyeena wax kasta oo ay Samora ku qancinayaan, balse aqoonyahanka, guurtida, xukuumadda iyo shacabku iska kaashadeen sidii daakhuudayaashaas u adeegaya danaha shisheeye looga guuleysan lahaa, Mr. Samorana loogu sheegi lahaa in Soomaaliland ay wada hadal iyo isla tashi ku caano iyo nabad maasho.

    Haddaba, su’aasha isweydiinta leh ayaa waxay tahay Mr. Samora intaas ma ku niyad jabay oo ma hadhay??

    Jawaabta su’aashaasi waa maya. U adeegayaasha Mr. Samora iyo inta la fekerka ah waxa ka mid ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Kulmiye ninka isku magacaaba Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo uu fariinta usii mariyo hogaanka sare ee Kulmiye iyo Gudoomiyaha Ucid Md. Faysal Cali Waraabe, oo fariimaha u qaada gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Md. Cirro iyo Md. Samaale.

    Fariintii ugu dambeysey ee Faysal soo gaadhsiiyo Md. Cirro iyo Md. Samaale waxay ahayd warqad uu safarkiisii ugu dambeeyey ee uu Nayroobi ku tegey kasoo qaaday oo lagag codsanayo golayaasha wakiilada iyo guurtida inay Jabuuti usoo diraan koox mudanayaal ah oo la shirta xildhibaano ka tirsan baarlamaanada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Puntland, iyagoo shirkana uga qayb gelaya inay yihiin dowlad goboleed hoos tagta dowladda federaalka sida Puntland oo kale, qarashaadka abaabulkaas iyo hirgelintiisa ku baxayana waxa bixinaya hay’adda Inter-peace, iyadoo wakiilanaysa hay’adda UNDP-da.

    U adeegayaashan cadowga waxa laga dhaadhiciyey in waxa ay rabaan iyaga la siinayo balse shuruud looga dhigay inay hirgeliyaan hindisayaasha hay’adda inter-peace oo ah in wada hadal la dhex dhigo Soomaaliland iyo dowladda uu gadhwadeenka ka yahay Sheekh Shariif Shhekh Axmed, taas oo bilowgeedii aan aragno inuu maanta Jabuuti ka bilowday iyo sida uu xagal 180 degree ah isu bedeley mawqifkii Soomaaliweyn ee gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo xafladdii furitaanka jaamacad cusub ka sheegay inaanu habeenkii seexan werwerka ka haya shacabkiisa Muqdisho lagu xasuuqayo ee Yugaandheysku xasuuqayaan iyo inuu ku talo jiro inuu gogol wada hadal u furo kooxaha siyaasadda isku haya ee reer Muqdisho.

    Cajiib goormuu wiilka Muqdisho uga dhowaaday wiilka Kampala??? Wadaadku isbedel badanaa oo jirjirooleysanaa.

    Halkaas waxaan ka garan karnaa in shaqsiyaadkan shukaanta loo hayo, oo ay ku adeegtaan gacmo shisheeye oo raba inaan Soomaaliland wax noqon, inta kale ee soomaaliyeedna is cunaan si mandaqadda looga dhameeyo wax afsoomaali ku hadla.

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Kulmiye wuxuu yiri dhowaan in deeqbixiyayaashu caawimooyinkii dhaqaale ka joojiyeen Soomaaliland ilaa inta doorasho ka dhacayso,warkaas oo ah war xaqiiqada ka fog, midda kale isagu soomaaliland-ta uu sheegayaa tiisa maaha miyaa? Mise macaaradaduu qalad ka fahmay?

    Iskusoo wada xoori xaaladda Soomaaliland meel xasaasi ah ayay maraysaa,markaa waxa haboon in mucaarad iyo muxaafadba meel looga soo wada jeesto shaqsiyaadka dahohooda gaarka ah wata balse baal marsan danta guud iyo sunta Nayroobi laga soo afuufayo. Ninkaan waxa jooga garani waxa soo socdana ma garto.

    Shacabku ha ka tashadaan aayahooda,beenta laba wejiilayaashana dib yaan loo dhegeysan.Hana laga digtoonaado hagardaamooyinka shaqsiyaadka sheeganaya Soomaaliland ee hadana u adeegaya cadowgeenna.

    Xukuumadduna waa inay dabagal ku samaysa shaqsiyaadkaas caadaystay duminta qaranimadeenna iyagoo ka door bidaya danta guud tooda gaarka ah, cadaaladana waa in la horkeenaa.

    Ninka dhuumanaayee, haddana dhabarku muuqdoow, shacabku wuu ku arkaa.

    Somaliland guul iyo gobanimo.

    Ducaale Jama

    Email: jaamacducaale09@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: