SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shil Baabuur Oo Ay ku Dhaawacmeen Afar Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Qaran Ayaa Maanta Ka Dhacay Duleedka Waqooyi Ee Magaalada Burco.

    Posted by Sawnews.tk on November 4, 2009

    News-and-EventsBurco(Sawnews) Afar askari oo ka tirsan Ciidamada qaranka Somaliland ayaa ku dhaawacmay shil gaadhi oo ka dhacay Tuulada kara-sharka oo ku taala wadada Laamayga dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Burco. 
    Shilkan gaadhi ee gaystay dhaawaca ayaa dhacay maanta duhurkii, ka dib markii uu qalibmay mid ka mid ah gawaadhi Milatari oo ay leeyihiin Ciidamada qaranka Somaliland oo ku socday magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool, shilkaas oo dhacay ka dib markii uu u baxay Taayir sida ay Shabakadda Ramaasnews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada oo magacooda diiday in baahiyo. 

    Ciidamada ku dhaawacmay shilkan baabuur oo tiradoodu dhan tahay Afar askari ayaa laba ka mid ah dhaawacoodu daran yahay, halka ay labada kale xaaladoodu sahlan tahay, waxaana lagu daawaynayaa cusbitaalka guud ee magaalada Burco halkaas oo ay keeneen gaadiidka Ambalaasku.

    Gaadhigan la dhacay Ciidamada qaranka oo noociisu ahaa Mercedes Bens Nooca xamuulka qaada oo ay saarnaayeen Ciidamo tiradoodu gaadhayso Konton Askari.

    Shilalka baabuur ee ka dhaca wadada isku xidha degmada Sheekh iyo Burco ayaa sanadadii ugu dambeeyey galaaftay nafo badan, taas oo ay sabab u tahay xawaaraha gaadiidka iyo wadooyinka oo dayactirkoodu liito ama aan helin wax dayactir ahba.

     

     

     

    Ramaasnews Desk

    Burao

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: