SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Masuuliyiin Ka Tirsan Somaliland Iyo Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada NATO Oo Ku Kulmay Markab Dushii + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on November 4, 2009

    markab naato wayn2Berbera(Sawnews)-Markab ay leeyihiin ciidama NATO ee ku sugan xeebaha Somalia ee ku teedsan badwaynta Hinya ayaa gaalbta ku soo xidhay marsada wayn ee magaalada Bebera kuwaas oo gadhwadeen u ahaa galbinyeyna markab u rarnaa hayada WFP ee Wold Food Program.

     

    Markabkan dagaal oo laga leeyahay dalka Norway, kana mid ah maraakiibta midowga Yurub ee la dagaallanka budhcad-badeeda Soomaalida ee ka qadhaabsata xeebaha Soomaliya iyokuwa wadamada ay xadka la eeyihiin ayaa gelbinayey markab siday shixnadan raashinka ah oo gaadhaysa (9000) Mitric ton, una raran Hay’adda WFP.

    Masuulliyiinta gobolka Saaxil iyo saraakiisha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa kullan kula qaatay muddo laba saacadooda markabka guudkiisa taas oo ay la kulmee Kabtanka iyo taliayayaasha kala duwan ee markabka saarnaa, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga Somaliland iyo in si wada jira looga shaqeeyo sidii loogu midoobi lahaa la dagaallanka kooxaha budhcad-badeeda ah.

    markab naato wayn1

    Ugu horayn Kabtanka markabkaas oo kullankaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay imaatinka xeebta Somaliland oo ku sifeeyey meel ay ka jirto xasillooni iyo nabadgelyo buuxda oo ay kaga duwantahay Xeebta Soomaaliya, islamarkaana uu rajaynayo in NATO iyo Somaliland ay intaas iskaga sii dhawaan doonaan.

    markab naato wayn2

    Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamed Cabdillaahi Maxamed oo isaguna kullanka ka dhacay markabkagudihiisa oo la hadlaayey warbaahinta uga waramay kullankaas ayaa sheegay inay labada dhinac is-fahan ka gaadheen iskaashiga la dagaallanka budhac badeeda waxaana ka mid ahaa hadallada Guddoomiyaha “Si fiican baanu isku fahanay, hawsha budhcad badeedana waanu isla garanay in ammaanka xeebaha la adkeeyo, si wanaagsana loo wada shaqeeyo oo xataa wixi kotarabaana layska kaashado.”

    Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Berbera, ayaa ka codsaday katanka iyo saraakiisha Markabka dagaal ee NATO inay dhulka u soo dhaadhacaan, islamrkaana ay soo indho indheeyaan dekedda. Haseyeeshee kabtanka markabka, ayaa ka cudurdaartay arrintaas, kuna sababeeyey inaanay fasax ka heysan Midowga Yurub oo iyagu hoggaamiya hawlgalka maraakiibtooda, balse ballanqaaday marka labaad ee ay soo noqdaan inay fasax u soo qaadan doonaan.

    markab naato wayn3

    Kullankan dhexmaray masuulliyiinta gobolka Saaxil iyo saraakiisha NATO oo noqonaya kullankii ugu horeeyey ee nociis ah ayaa waxa kale oo ka qaybgalay Ku-simaha Maayarka Berbera, ahna Maayar-ku-xigeenka Cabdi Jaamac Faduul iyo Taliyaha Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland Cismaan Jibriil Xagar.

    Ugu dambayntiina waxa ay amaan balaadhan u soo jeediyeen maamulka gobolka Saaxil iyo waliba madaxda kala duwan ee ay la kulmeen kuwaas oo ay sheegeen gabi ahaanba saraakiishii NATO in Somaliland ay tahay meel xasiloona .

     

    Togaherer

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: