SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka MRD ee dalka Jabuuti oo shir ku qabtay magaalada Ottawaa ee dalka Canada

    Posted by Sawnews.tk on November 4, 2009

    DjobOttawa, Canada (Sawnews) – Waxa todobaadkan booqasho dalab jaaliyadeed ahaa ku yimi magaalada Ottawa ee caasimada dalka Canada hogamiyaha xisbiga mucaaridka MRD ee dalka jamhuuriyada Jabuuti mudane Daahir Axmed Faarax . Gudomiyha MRD ayaa mudadii uu Ottawa ku sugnaa waxa uu kulamo aan loo kala harin uu la yeeshay jaaliyada reer jabuuti ee ku nool magaalada Ottawa iyo qaar kale oo jaaliyadaa ka tirsan oo boqashada guddomiyaha awgeed Ottawa u soo gaarey. 

     

     Mudane Daahir ayaa dhawr kulan oo uu qabtey intii uu ku gudo jiray safarkiisa  ayaa waxa ka mid ahaa mid uu ku qabtey jaamacada Quebec laanteeda ku taal magaalada Hull ee ay Ottawa jaarka yihiin. Halakaa waxa uu ka jeediyay hadal uu ku soo koobayay xaalada guud ee ka jirta gudaha dalka jamhuriyada Jabuuti iyo sida mucaaridku u arkaan wax ka qabashada xaaladaha dhaqan dhaqaale iyo kuwa  kale ee sida caafimaadka waxbarashada iyo weliba siyaasada.

     Kulan kale oo balaaran oo guddomiyuhu ay isku arkeen jaaliyada Jabuuti ee Canada ayaa waxa uu ka dhacay xarunta magalada Ottawa, kulankaas oo ay hadalo ka jeediyeen xubno ka tirsan mucaaridka Jabuuti

    Hadalada ay mudaanaashaasi ka jeediyeen madasha waxa laga dheehan karayay sida uu isu soo tarayso taageerada ay reer Canada u hayaan ama sida ay iminka ugu heelan yihiin dhageysiga aaraada mucaridka Jabuuti. Khudbadaha halkaa laga jeedinayay ayaa ahaa qaar ku baxayaya luqadaha ay ku hadlaan qowmiyadaha kala gedisan ee ku dhaqan dalka jamhuriyada Jabuuti sida afafaka Soomaaliga,Canfariga Carabiga iyo luuqada Faransiiska.

    Hadalada halkaa ay ka jediyeen mudaneyaasha ayaa waxa ay ka qeybgalayaashu ku qaabileen sacab iyo sawaxan ay wadaniyadi ku dheehan tahay. Intaa ka dib waxa hadalkii qaatey mudane Daahir Ahmed Farah oo ugu horeyntiiba si weyn ugu mahadceliyay ka soo qeybgalaashii kulanka iyo soo qabanqaabiyeyaashii kulanka,intaa kadib waxa uu qodab qodab uga hadlay qorshaha xisbigiisu u dhigay wax ka qabasada marxaladaha iyo duruufaha hor yaal shicibka reer Jabauti, mudanuhu waxa uu ka hadlay muhiimada ay wada jirku u leedahay ka miro dhalinta himilada reer Jabuti oo uu sheegay in cid kala qoqobkooda ku hawlani in ay tahay xukuumada jamhuuriyada Jabuuti.

    Daahir waxa uu ka hadlay xiriirka xisbigiisu la leeyahay axsaabta siyaasadeed iyo kuwa hubeysan ee jabuuti, iyo sida wada shaqeyn gidi dhexmarta ay tahay mid mabda ahaan uu aaminsan yahay. Khudbad aad u dheereed oo uu guddomiyuhu halkaa ka jediyay uuna ku sharaxayay waxa xisbigiisa laga filan karo hadii isbedelka ay damacsan yihiin mucaaradku uu hirgalo, ayaa waxa fursad loo siiyay ka qeybgaleyaashii in ay suaalo weydiiyaan guddomiyaha xisbiga MRD Daahir Axmed Faarax.

    Dadkii halkaas su’aalaha ama warbixinada ka soo jeedieyey ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Cali, Xasan Cabdi, Xumad iyo qaar kale oo ka tirsan jaaliyada reer Jabuuti ee magaaladan Ottawa.

    source Idhanka

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: