SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Aqoon Kororsi ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka oo loo Qabtay Ardayda Dugsiyada Gaarka & Dhalinyarada Ciyaaraha ah ee Borama + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on November 4, 2009

    altBorama(Sawnews)Aqoon iswaydaarsi socon doona laba cisho ayaa maanta xarunta way nee dhagoolayaasha ayaa waxa uu uga furmay Ilaa toban school oo gaar looyahahay iyo dhalinyaro ka socotay bulshadeeda inta kale oo ubadnaa dhalinyarada ciyaarta kubada cagtay, aqoon iswaydaarsigan ayaa waxa iska kaashaday labada wasaaradood ee waxbarashada iyo ciyaaraha, iyo waliba hay’ada caalamiga ah ee Save the Children Denmark, aqoon iswaydaarsigan noocanoo kale ah aya shalay loo soo xidhay qaybkale oo ka mid ah schoolada dawliga ah.

    Aqoon iswaydaarsigan ayaa Dugsiyadii ka qaybgalay Ay sidan hoos ku qoran ay kala ahaayeen

       1. Dugsiga Hoose Dhexe Ee Cumar Binu Khadab
       2. Dugsiga Hoose Dhexe Ee Ubaya Ibnu Ka’ab
       3. Dugsiga Hoose Dhexe Ee  Al-Nour
       4. Dugsiga Hoose Dhexe Ee   Huda
       5. Dugsiga Hoose Dhexe Ee  Al-Qalam
       6. Dugsiga Hoose Dhexe Ee  Bilaal
       7. Dugsiga Hoose Dhexe Ee Sh/Xuseen Abraar
       8. Dugsiga Hoose Dhexe Ee C/qaadir
       9. Dugsiga Hoose Dhexe Ee Gargaar
      10. Dugsiga Hoose Dhexe Ee Qudus
      11. Dugsiga Hoose Dhexe Ee  Gacan Qabad.

    Aqoon iswaydaarsigan saaka furmay ayaa waxaa furay agaasimaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Mudane Pro:C/wahaab Yuusuf Gadhle, waxa uu ka hadlay ahmiyada ay u leedahay in da’yarta loo dhigo duruustan ka hadlaysa sida loo xaliyo khilaafaadka maadaama ay had iyo jeeraale iyagu ay unugul yihiin inay khilaaf soo kala dhex galo marka ay ciyaaraha ay ciyaarayaan iyo marka ay waxbaranayaan

    Sidoo kale waxa uu mahadceliyay Hay’adan soo qabanqaabisay aqoon iswaydaarsigan

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Gudoomiye Ku xigeenka wasaarada waxbarashada  Pro:C/Saleebaan Xasan isaguna waxa uu mahad celiyay hay’adan soo qabanqaabisay aqooniswaydaarsigan waxa kale oo uu kula dardaarmay ka qaybgalayaashii inay ka faa’idaystaan aqoontan halkan ay kala tagayaan mudadan yare e kooban ee ay halka joogaan.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay mid ka socda hay’adaas oo sheegay inuu barnaamijkan loogu talagalay Seddexgobol oo qudha oo kala  ah Awdal, Saaxil, iyo maroodi jeex ayna tababari doonaan arday dhan 800 arday , waxa kale oo uu sheegay in gobolkani uu nasiib u helay da’ayar gaadhaysa 240dhalinyaro in loogu tababaro sida loo xaliyo khilaafaadka .

    Tani waa markii ugu horeysay oo aqoon iswaydaarsi noocanoo kale ah loo qabto da’yarta iyada oo waqtiyadii hore loo qaban jiray oo qudha Cuqaasha, iyo Dadka Reeraha utaliya.

    Waxaa la odhan karaa hadii aqoon iswaydaarsiyadan oo kale la sii joogteeyo waxaa iman Doona Xal loo helo dhaliyarada marka ay isku xanaaqaan Midiyaha iyo budadka isku caydhsanaya wadooyinka iyo xaafadaha dhexdooda, iyada oo la odhan karo dhawaan magaalada waxaa ku soo noqday dhaqankii xumaa ee dhaliyaradu  ay isku baacsan jireen kooxa kooxaha.

     alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt

    alt


    alt
    Reporter:Jaabir Ali Omer
    Bnn(Borama)

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: