SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirka Maaliyadda Oo Xidhay Tababar Xirfadeed Huteelka Maansoor Uga Socday Hawl Wadeeno Waaxda Cashuuraha Berriga Ka Tirsan.

    Posted by Sawnews.tk on November 3, 2009

    “Afarta Taayir ee Dawladeenu ku Socota Waa Cashuuraha Yar, Ma Aqbalayno inuu Xafiiska sii Fadhiyo  Qof Cashuur Bixiye ka Soo Cowday” Wasiirka Maaliyada

    Hargeysa(Sawnews) Nov. 03, 2009 – Wasiirka Maaliyada Somaliland Mudane Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa sheegay in tallaabo adag ka qaadi doonaan hawl-wadeenada ka hawlgala cashuuraha ee ay ka soo cowdeen cashuur-bixiyeyaashu.

     

    Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay kulan shalay lagu soo gabo-gabeynayay tababar xirfadeed muddo saddex maalmood ah Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa uga socday hawl-wadeeno ka tirsan waaxda cashuuraha Barriga ee Wasaarada Maaliyada.

     

    Mudane Xuseen Cali Ducaale, oo la hadlayay hawl-wadeenadaasi ayaa si adag ula dardaarmay, waxaanu yidhi “Ummaddani way idin aamintay xil bay idiin dhiibteen afarta taayir ee dawladeenu ku socotaa waa cashuurtaas yar, waxa la idinka rabaa dadka muwaadiniinta ah ee cashuurta bixinaya ee isa soo xilqaamay ee wadaniyadoodii muujiyey inaad si ixtiraam leh ula dhaqantaan, waa inaad ogaataan in cashuurta uu ku siinayaa ay tahay mushaharkaagii, marnaba ogolaan mayno cid soo cabata oo tidhaahda waa naloo cago jugleeyey oo naloo hanjabay xaasha weeye in ninkaasi fadhiyo uma qalmo inuu qof noocaasi ahi cashuuraha barriga joogo.”

     

    Wasiirka Maaliyadu wuxuu shaqaalaha cashuuraha barriga ku dardaaray inay dadweynaha ay u shaqeynayaan dhaqan wanaagsan u muujiyaan.

    “Qaadka iyo dakhli ururinta waa Col waxay ka dhigan tahay dab iyo baatrool markaan dhallinyarada ahayn ee aanu shaqada bilownay raggii fiicnaa ee maskaxda fiicnaa balwadii ayaa reebay, markaa qaadku wuu idin reebayaa. Shaqadii buu ka yaraynayaa dadkii cashuurta bixinayayna waad isku dhacaysaan,” waxaan xasuustaa barigii aanu dhallinyarada ahayn qolyihii jaadka naga cuni  jiray had iyo jeer cid uun baa qabsan jirtay  had iyo jeer waa nin daldalan.”

     

    Wasiirka Maaliyada wuxuu sheegay in had iyo jeer shaqaalaha cashuuraha ee qaadka cuna ay isqabsadaan isna bartaan Hanti-dhawraha Guud.

     

    “Dawladaha Afrikaanka ahi miisaaniyadaha 40% ayaa laga kabaa, Somaliland adduunku waxba ma siiyo, markaa waa inaynu Wasaarada Maaliyad ahaan soo saarnaa wixii la ina siin lahaa,” ayuu yidhi Mudane Xuseen Cali Ducaale, waxaanu tilmaamay inuu og-yahay duruufaha shaqaalaha.”

     

    Sidoo kale, waxa  xidhitaankii tabobarkasi ka hadlay Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha mudane C/raxmaan Ismaaciil Xuseen (Cadami) iyo Wasiir ku xigeenka maaliyada Mudane Axmed Nuur Aw-Cabdi.

     

     

     

    Ramaasnews Desk

    Hargeisa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: