SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Odayayaasha Buuhoodle oo ku tilmaamay ninkii sheegtay qaraxii Laascaanood nin Maskaxada ka buka

    Posted by Sawnews.tk on November 3, 2009

    Hargaysa(Sawnews)Odayaasha iyo Waxgarada Magaalada Buuhoodle, ayaa shir ay ku yeesheen magaaladaasi ku tilmaamay nin maskaxada ka xanuusanaya nin sheegtay inuu ka dambeeyey Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Laascaanood ee uu ku dhintay Taliyihii Qaybta 12aad ee ciidanka qarankja Somaliland, waxaanay beeniyeen inuu jiro urur uu ninkaas sheegtay oo lagu magaacabo JNM.

    Garaad Saleebaan Buraale oo ka mid odayaasha Buuhoodle ayaa sheegay in ninkaas aanu masuul ka ahayn qaraxaas ka dhacay Buuhoodle,isla markaana aanu awood u lahayn inuu ku fuliyo hawlgal noocaas oo kale ah, waxaanu ku tilmaamay in maskaxad ka buka oo camal la’aan iyo busaaradi u geystay inuu warbaahinta ka sheego hadalkaas.

    Garaad Saleebaan waxa uu eedayn dusha ka saaray dad uu ku tilmaamay cadow raba inay dhibaato iyo qas ka abuuraan ka dhex abuuraan dadweynaha reer Buuhoodle,kuwaas oo uu sheegay in ay waraysteen ninkaas.

    Garaad Saleebaan Buraale waxa uu ka dhawaajiyey in aanay Reer Buuhoodle waxa lug ah ku lahayn qarxayada ka dhacay magaalada Laascaanood aan reer Buuhoodle shaqo ku lahayn,dadkana waxa uu uug baaqay inay ilaashadaan nabdgelyadooda,oo aanay dusha iska saarin danbiyo aanay gelin oo keeni kara dhibaato hor leh.
    Sidoo kale Caaqil Axdar oo isna ka mid ah odayaasha Buuhoodle ayaa sheegay in arimaha ka dhacay Buuhoodle ay ka shaqeeyeen dad raba inay dhibaato iyo qalalase ka abuuraan magaalada oo dano khaas ah,kuwaasoo aan u naxayn dadka reer Buuhoodle oo haytey nabdgelyo buuxda.
    Uug danbayntii odayaasha ayaa ku buuriyey shacabka reer Buuhoodle inay nadadooda ilaashadaan, oo ay ka hortagaan wixii fido iyo nabadgelyo ka dhex abuuri karan aan hadhow la qaboojin karin.

     Cabdirasaaq Cilmi Mixile

    Sawnews Desk Hargaysa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: