SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Komishanka Cusub Ee Doorashoyinka Oo Xilki Si Rasmi Ah Maanta Ugala Wareegay Komishankii Hore + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on November 3, 2009

    Hargaysa (Sawnews)Komishankii hore ee doorashooyinkaqaranka ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugu wareejiyey komishanka cusub ee dhawaan xilkaasi loo dhaariyey.

    Xaflada aad u balaadhan oo si reer sare ah loo soo agaasimay oo ay Kula kala wareegayeen komishanka cusub iyo komishankii hore ayaa maanta lagu qabtay Hotel Maansor ee magaalada Hargeysa, taas o ay ka soo qayb galeen madax sare oo ka soctay saddexda Xisbiga Qaran, ururada bulshada, Culimudiin , Salaadiin, Xubnaha Komishankii hore iyo Komishanka cusub iyo Marti sharaf kale.

    Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenki hore ee Guddiga dorashooyinka Cali Maxamed cabdale (Bikalo), waxaanu ka waramay waxyaabihii kala duwanaa intii ay xilka hayeen ay soo qabteen iyo caqabadihii Cuslaa ee ka horyimi intii ay xilka hayeen, waxaanu sheegay in ay dalka ka hirgeliyeen diiwaan gelintii codbixiyayaasha ee dalka oo dhan ka qabsoontay.

    Waxaani intaasi ku  daray uu oo u soo jeediyey axsaabta qaranka in ay la shaqeeyen xubanah koomishanka cusub ee doorashooyinka oo uu tilmaamay in shaqo culusi u taalo.

    Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xoghayaha Xisbiga UDUB Jaamaca Yaasiin iyo Masuul u hadlayay Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo isagu goobta xaflada ka maqnaa ayaa talooyin iyo ducab u soo jeediyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashoyinka oo ay xuseen in hawlo waaweyn oo qaranku u baahan yahay ay u yaalaan, taas oo ay ugu horeyso sidii ay dalka uga qaban lahaayeen dorasho xor iyo  xalaal ah, waxaanay ugu dambeyntii u mahadnaqeen komishanki hore ee doorashooyinka o ay sheegeen in ay shaqo fiican soo qabteen mudaddii ay xilka hayeen.

    Ugu dambayntii waxa munaasibadaas xilkii kula wareegay komishankii hore iyo komishanka cusub.

    Abdirazaq Elmi Mixile

    Sawnews Desk Hargaysa

     
     
     
     
     
     
     
     
     
     
     
     
     
     
     
     
     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: