SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Cabdiraxman Saylici Hadii uu Wax Badbaadinayo Maanay Haboonayn In uu Badbaadiyo Midnimada Reer Awdal.

    Posted by Sawnews.tk on November 3, 2009

    u_2d_2009-4-27-19-9-37f_handwritenWay banaantahay in qofka bini’aadamka ihi yeesho damac, laakiin ma haboono in aad naftaada u ogolaatid in ay damacaaga u raacdo meelwalba oo uu la galo, waaayo mar mararka qaarkood waxa laga yaabaa in damacaagu kulo galo wax Ilaahay xaaraantinimeeyey oo cadaab kuu horseedi kara hadii aad iska qabanwaydo. Sidoo kale waxa iyadna jirta hadii aad caqli wanaagsan isticmaali waydo in damacaagu kula gali karo wax naftaada iyo inta kula dhaqanba dhibaato u soo jiidi kara.  Sidaa darteed waxa haboon in uu qofwalba miisaamo dhibto iyo waxyeelada ka iman karta ficil kasta oo uu ku kacayo iyo damac kasta oo hankiisa kor u qaadaba.

    Hadaba, hadii aan u soo laabto ujeedada qormada waxa jirta in dadka reer Awdal ay maanta aad ugu kala  qaybsanyihiin kala taageerida dadka u matalaya siyaasada wadanka, waxaanay gaar ahaan aad ugu kala qaybsanyihiin taageerada Madaxtinimada, Madaxwayne Rayaale iyo Musharaxnimada  Mudane Saylici, iyadoo kala raacsanaanta labadan siyaasi ay gaadhay heer maanta ay reer Awdal isku arkaan cadaw, isla nool taasi oo khatarteeda leh hadii aan laga hortagin.

    Sida muuqatana kala qaybsanaanta reer Awdal waxay ku salaysantahay AWR KIRAALAYN kaliya oo nin walba waxa uu rabaa in ninka ay is habeen xigaani Hargeysa wakiil uga noqdo reer Awdal. Mana aha waxa labada nin loo kala raacsanyahay mid ku dhisan dhaliil siyaasadeed iyo kanbaa Awdal  u wax tarbadan ama kaasaa Awdal u wax taryar ee waa ninba Awrkii gego keen.

    Hadaba haday sidaa tahay maanay haboonayn in Awrtu sida ay usoo kala horeeyeen uun loo kala kireeyo oo ay walaaluhu isku haneeyaan sida arsaaqda ilaahay u kala siiyay?

    Dabcan qofwalba oo reer Awdala oo caqli fayoobi ku hadhay waa jecelyahay midnimada iyo wada jirka dadkiisa waxase jirta in la isku afgaranlaayahay la iskuna seeganyahay sidii wax la iskula fahmi lahaa.

    Waxayse dad badani aaminsanyihiin in siyaasada Cabdiraxmaan Saylici ay fure u tahay midnimada ama kalajabka reer Awdal. Waxana jirta fikrad odhanaysa in kala jabka maanta reer Awdal haysata uu Cabadiraxmaan Saylici xalin karo hadii uu damco in uu xaliyo, taasina waxay iman kartaa uun Saylici oo damaciisa siyaasadeed wax ka badala.

    Dhanka kale saylici oo ay dad badani ku xantaan in uu kaabeynkiisa (Campaign) ku saleeyo hab qabiil ayaa hadana markasta kaga dhaawaajiya in isaga iyo xisbigiisuba u taagenyihiin una dadaalayaan midnimada iyo badbaadada shacabka dalka.

    Hadaba inta aanu Saylici ku fikirin midaynta iyo badbaadada shacabka dalka oo dhan miyaanay haboonayn in uu marka hore ka fikiro midaynta iyo wada jirka iyo waliba badbaadinta wada dhalashada dadka reer Awdal.

    Madaxweyne Rayaale laguma eedaynkaro kala qabsanaata reer Awdal ee maanta taagan sobobtoo ah Rayaale waxa uu meesha tegay reer Awdal oo mida, mana jiro nin reer AWDALA oo madaxtinimada kula gorgortamaya oo la odhan karo Rayaalaa wax u diidan ee nimanka xisbiyada kale ku jira ee reer Awdal sida Sayliciyoo kale waxa ay yihiin uun niman wakiilo u ah nimanka la gogortamaya madaxwayne Rayaale, taasina dani uguma jirto midnimada iyo wada jirka reer Awdal.

    Waxana dhamaanteen macaarid iyo maxaafidba inala wada gudboon in aan codkeena iyo foodkeenaba siino ninka jagada ugu saraysa ee dalka u gorgortamaya ee Awdal ka soo jeeda nin kuu doonba ha ahaadee.

    Waxana wanaagsan in Mudane Saylici oo ah kala qaybiyaha maanta ee siyaasdiisu reer Awdal kala qaybisay  uu horta ku fikiro sidii uu u mideeyn lahaa shacabka reer Awdal isagoo waxoogaa hakinaya damaciisa siyaasadeed oo ah mid hada la wada arkayo loona aqoonsaday in uu yahay nin hankiisu meelsare saaranyahay.

    Hadii Saylici uu dhabada toosan ee hagaagsan doorkan maro oo uu dadka reer Awdal midnimo u horseedo waxa hubaala in loowada arki doono nin geesiya laakiin haduu ku adkaysto Musharaxnimadiisa oo uu damaciisa siyaasadeed kaga lexejeclo bato midnimada reer Awdal waxa hubaala in mudo badan magaca Saylici adhiga Awdala ka didi doonaan soo hadal qaadkiisa.

    Gabagabadii Saylici waxa u taal in uu wanaaga iyo xumaanta AWDAL mid uun doorto isagayna u taal mida uu doorbidaayi inagase waano iyo waxsheeg uunbaa inala gudboon.

    ALLAH MAHADLEH

    Cabdale Farah Sigad

    Email: sigad12345@yahoo.co.uk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: