SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalkii Buuhoodle: Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Jiida Buuhoodle Oo Kadlay Sidii uu Dagaalku U Dhacay Iyo Khasaarahii Labada Dhinac Soo Kala Gaadhay

    Posted by Sawnews.tk on November 2, 2009

    Buuhoodle (SAWNEWS)- “Sida ay wax u dhaceen waxaa weeye ninkaa sheegtay in uu ka dambeeyey qaraxyadii lagu dilay taliyihii ciidanka qaranka guutada 12-aad Marxuun Cismaan Yuusuf Nuur, ayaa lagu daba jiray oo guri uu ku jiray ayaanu weerarnay. Markii aanu u dhacnay ee aanu dhaawacnayna dadweynihii meesha deganaa oo gadoodsan ayaa nala dagaalamay, halkaasna khasaare baahsan ayaa ka dhacay.” Sidaa waxaa yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland dhaceen Col: Axmed Maxamed Aadan, ee aaga Buuhoodle oo galabta ka xog-waramayey sidii ay wax u dhaceen.

    Waxaa uu sidan ka sheegay taliyuhu waraysi uu galabta siiyey, laanta af-ka somaliga ee idaacada BBC-da, kaas oo uu si fiican ugu faah-faahiyey qaabkii ay wax u dhaceen iyo guud ahaan khasaarihii halkaas ka dhashay, mar taliyaha la waydiiyey khasaaraha ciidanka Somaliland ka soo gaadhay weerarka ay ku qaadeen ninkaas dambiilaha ah iyo ka ay gaadhsiiyeen kooxda dableyda ah, ayaa ku jawaabay oo yidhi “ Ciidankayga waxaa soo gaadhay 7 askari oo dhaawac fudud ah, xagoodana waxaa nagu maqaalo ah oo isagu ku jiro, oo ninkaa dambiilaha ee weerarka ku qaadnay ayaa ugu hor dhaawacmay oo xabada bilaabay.”

    Taliyaha waxaa la su’aalay sababta ku kaliftay inay hadh-cad dagaal ka dhex ridaan magaalada dhexdeeda waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi “ Waxaa nagu kalifay waxaanu waynay si kale oo aanu ku soo qabano, waxaa ay ku soo dhuunteen caruurtii iyo haweenkii oo ay xabadaha ka soo dhex rideen, waxaa la isku dayey in annaga nala rabsho si aynaan nuugu suurto gelin in aanu qabano ninkan, waxaanu khasaare soo gaadhay gurigii uu ninku jiray oo kaliya.”

    Waxaa kale oo Taliyaha aaga Buuhoodle la sii weydiiyey in uu kala si feeyo noocyada dhaawac ee ciidankiisa soo gaadhay, waxaanu uu yidhi “Dhaawaca ciidanka soo gaadhay waa laba nooc, sadex askarta ka mid ah waxaa soo gaadhay dhaawac rasaas ah, halka afarta kale-na ay soo gaadheen dhaawac ka dhashay dhagaxaantii ay dadweynuhu ku tuurayeen ciidanka, waana dhaawaca fudud guud ahaan

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: