SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Qalniiinka Guud oo laga Bilaabay Cusbitaalka Dr. Faarax Abraar ee Borama + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on November 2, 2009

    altBorama(Sawnews) Dhawaan ayaan booqasho shaqo waxaan ku tagnay dhakhtarka way nee magaalada Borama, Dhakhtarkan ayaa waxa laga bilaabay qaliinkii guud ee dadka itaalka daran loogu samayn jiray sanadkiiba laba goor, qaliinadan ayaa waxaa sameeya dhakhaatir caalamiya oo asalkoodu ka soo jeedaan Wadan waynaha maraykanka.

    Dhakhaatiirtan ayaa waxa ay ka kooban yihiin todoba dhakhtar oo sameeya qaliinka ay ka midka ka yihiin ,  kaliyaha, xanshareerida, hunguriga, fiixaha ta dibada iyo ta gudaha, luga jarida iyo gacma jarida hadii xanuun kaga dhaco qofka, qaliinka xiniinyaha, qaliinka makaanka, iyo kuwakale oo fara badan.

    Dhakhaatiirtan ayaa waxa ay ku qalaan dadka bilaa lacag iyaga oo ilaa hada ay ka faa’iidaysteen dad kor u dhaafaya kumaan kun.

    Qaliinkan ayaa waxaa la sameeya Qaliinkan dhakhaatiirta Da’ada Yar ee ka soo baxa jaamacada Wayn Ee Cammuud University kuwaas oo la odhan karo waxa ay badali doonaan

    waqtigan soo socda Dhakhaatiirtan ajanabiga ah oo la odhan karo waxa ay noqdeen dhakhaatiir cilmi iyo waaya aarag ku filan Helay.

    Dhawaan ayay ahayd marii dhakhaatiir noocanoo kale ah ay yimaadeen , kuwaas oo samaynayay qaliinka dadka faruuran iyo dadka sida xun loo kabay.

    Waxaa kaloo iyagna yimaada dhakhaatir ka socota dhakhtaryka way nee indhaha ee kukuuyo Hospital. Kuwaas sanadwalba indhaha uqala dadkor udhaafaya boqolaal.

    Runtii waa horumar wayn oo usoo hoyday gobolkan , maadaama ayna jirin gobolada kale ee dalka fursad noocanoo kale ah taana waxaa usuuro galiyay dadka halkan ku nool oo ah dad aad uwanaagsan , daacadnimo, dulqaad, iyo soo dhawaynba mudan.

    Dadkan qaliinka loo sameeyo ayanan ku eekayn oo qudha dadka udhashay gobolkan awdal eese ay ka yimaadaan gobolada kale ee soomaaliya ilaa kismaayo ayaa looga yimaadaa qaliinkan noocanoo kale ah.

    Qaliinkan ayaa waxa uu soconayaa mudo todobaad ah, .

    Dhakhaatiirtan ayaa si toosa uga soo duula magaalada Nairobi kuna soo hakada oo shidaal ka soo qaata magaalada Dirirdhawa, si toosna usoo fadhiista Garoonka way nee Adam Isak Airport. Kuwaas oo sita diyaarad nooceegu yahay kuwa dadka VIPqaada oo iyaga u kiraysa.

    Hadaba maanta ayaa waxa iisuura gashay inaan gali meesha qaliinku ka socday, ugu horeyn waxaan fasax ka qaatay Axmed Salaan oo ah inanka u qaabilsan dhakhtar qaybta xisaabaadka ,in badan ayaa waxa aan raadiyay Agaasimaha laakiin waa ay iisuuro galiwayday isaga oo la iisheegay inuu shirku jiro, fasaxii markii aan qaatay ayaa Dr: Almis ayaa igu soo dhaweeyay Tiyaatarka way nee dadka lagu qalayay, markii aan afka hore ee tiyaatarka aan galay ayaa waxaa la igu amray inaan kabaha iska bixiyo kaba kale oo halkaa yaala oo aan dibada loola soo bixin ayaa la ii galiyay, sidii aan usocday ayaa hadana waxa la I galiyay maqsin kale , anoo yaabsan ayaa la iyidh dharkan xidho, waxaan xidhay Shaadh, madaxana waxbaa la ii galiyay afkana waxbaa la iigu xidhay , waxaana la igu amray intaa aan sawirka qaadayo inaanan meel taaban

    Waxaan galay qolkii qaliinku ka socday waqtigaa aan galay waxaa sariiraha wax lagu qalo saarnaa laba qof labadaa qof oo mid ka mid ah laga qalayay caloosha.

    Intii aan sawirada qaadayay iyo warbixinada waxa ay igu noqotay daqiiqado kooban oo hadana yaab iyo amakaag ii soo kordhisay .
    Waxaa la is odhan karaa waxa ay ahayd maalin iigu yaabbadnaynd intii maalmood ee isoo martay.

     Qaliinkan kii ka horeeyay waxa uu ahaa mid ka fudud kan laakiin kani waxa uu ahaa mid culus Dadka ka shaqynayay qaliinkaasina cidna cid lamay hadlayn.

    Qofkaste waxa uu haystay shaqadiisa.

     alt

     

    alt

     

    alt

     

    alt

     

    alt

     

    alt

     

     

     

     

    alt

     

     

     

    alt

     

     

    alt

     

      

     

     

     

    Reporter: Jaabir Ali Omer
    Borarama:(Bnn)

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: