SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Gudoomiyaha G/Awdal Mudane Maxamuud Sh. C/laahi Cige, oo Maanta Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamicadda Camuud Ka Furay Qayb Cusub oo Lagu Baran Doono Cilmiga Ilkaha (Dentistry)

    Posted by Sawnews.tk on November 2, 2009

    xafladii-furantaanka-kuliyadda-dentistriga-small Boorama (Harowo) – Guddoomiyaha G/awdal, Maxamuud Sh. C/laahi Cige, ayaa maanta ka furay kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Cammuud qayb kale oo lagu soo kordhiyey culuunta kala duwan ee lagu barto jaamacaddaasi, taasoo ah qybta barashada aqoonta ama dhakhtarnimada ilkaha iyo afka (dentistry). Munaasabaddii furitaanka qaybtan ayaa waxa kale oo kasoqo qaybgalay Hormoodka kulliyadda Caafimaadka J/Cammuud Dr. Siciid Axmed Walhad, Masuulyiin ka tirsan isla jaamacadaasi, aqoonyahanno, madax dhaqameedyo, aardaydii ugu horreysay ee qaybtan loo qaatay oo tiradoodu dhammayd ilaa labaatan, xubno ka tirsan qurbajoogga reer Awdal iyo martisharaf kale.

     

    Guddoomiyaha G/awdal, maxamuud Sh. C/laahi Cige, oo munaasabadda furitaanka qaybtan ka hadlay ayaa sheegay inay tahay qayb muhiim u ah nolosha iyo daryeelka bulshada reer Awdal iyo guud ahaanba reer Soomaaliland, isagoo sheegay in barashada cilmigani yahay kan ugu qaalisan dalalka hore u maray, isla markaana uu yahay kan  barashadiisu ugu adgtahay maadaama ay u baahantahay qalab iyo teknoolijiya casri ah.

     

    Guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa sidoo kale waxauu ka warbixiyrey dedaalka kulliyadda caafimaadka Jaamacadda Cmmuud samaysay dhawrkii sannadoo ee an soao dhaafnay, isagoo intaa ku daray in ardayda haatan u tabaabaushaysanaysa barashada cilmigani noqdaan kuwa leh karti iyo niyad ay wax ku bartaan si ay ugu gargaaraan dadka qaba xanuunada ilkaha ee guri walba jooga.

     

    Hormoodka kulliyadda caafimaadka jaamacadda Cammuud Dr. Siciid Axmed Walhad, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in baahida keentay in qaybtan lagusoo kordhiyo jaamacaddu ka timi bulshada u baahan daaweynta ilkaha, sidaa darteedna masuulyiinta jaamacaddu garawsadeen islana qaateen in lagusoo kordhiyo laamaha kulliyadda.

     

    Dr. Walhad sidoo kale waxa uu ka hadlay horumarka jaamacadda Cammuud, gaar ahaanna kulliydda caafimaadku samaysay dhwrkii sano ee ugu dambaysay ayaa caddeeyey in dhakhaatirta jaamacadda kasoo baxday ay durba maanta dadweynaha reer Soomaaliland adeegyadooda u aayeen, iyagoo maanta ka hawlgala guud ahaanba isbitaalada Hargeysa, BOoorama iyo magaalooyinka dalka,  kuwaasoo ama dhakhaatirtaasoo, si ay aqoontooda usii kordhsadaan deeqo waxbarasho ka kala helay jaamacado badan oo ku kala yaalla dalalka carabta iyo afrika.

     

    Jaamac\Muxumed Nuur (jaamac Gurey) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhakhaatirta ,iyo cid kastoo kasoo shaqaysay qaybtan cusub ku tilmaamay kuwa waajibkooddii waddaninmo gurat ,sidaa darteedna bulshada,dawladda ,iyo waxgaradkaba ku boiorriyey inay kala shaqeeyaan horumakeeda.

     

    C/raxmaan Xaaji Daahir Cilmi, kana mid ahaa aasaasayaashii jaamacadda Cammuud sanadihii sagaashameeyadii, kuna hadlayey magaca qurbajoogga reer Awdal ee dalka UK, ayaa sidoo kale soo dhaweeyey furitaanka barashada cilmiga ilkaha ee jaamacadda, isagoo sheegay inuu ku faraxsanyahay sida ay horu ugu martay jaamacadda Caamuud ee dhawr toban sano ka ahor dadweynaha reer  Boorama iyo Guud ahaanba reer soomaaliland la yaabbanaayeen aasaaskeeda. C/raxmaan Xaaji Daahir, ayaa sidoo kale sheegay sida uu ugu faraxsaansanyahay iun xubin ka atirsan qurbajoogga reer Awdal ay dalka kusoo kordhiyaan cilmigan, iyagoo dhaqaalahoodii iyo cilmigoodiiba ula guryo noqday dadkii ay daalka kaga tegeen toban sannnado badan horteed, isagoo dhinaca kalena laamaha dawladda, hay’adaha iyo cid kastoo jecel wanaagaba usoo jeediyey inay taageeraan.

     

    xafladii-furantaanka-kuliyadda-dentistriga-2 Dr. C/rashiid Cumar sheekh Ibrahim, oo hormood ka ahaa furitaanka Kuliyadda Dentistriga ee Jaamicadda Camuud University

     

     

    Caaqil Axmed Kaahin, oo isna halkaasi saaka ka hadlay, ayaa sidoo kale ka hadlay sida dadweynaha magaala Boorama ugu baahanyihiin adeegyada iyo aqoonta daaweynta ilkaha, maadaama dadkeennu 50% ilkaha wax ka qabaan, kuwaasoo ay cunista aaku waxyeelooyin uga geystaan ilkaha, isagoo dhinaca kalena caaqilku sheegay in  hore loo mariyo aqoontani.

     

    Dr. C/rashiid Cumar sheekh, kana mid ah qurbajoogga reer Awdal ee isagu aassaasay qaybtan Cilmiga Dentistry’gana kusoo bartay jaamacadda Kings College ee dalka UK, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in furitaanka qwaybtan uu ka bilaabay Kulliyadda caafimaadku tahay mid uu ku doonayo inuu dalkiisa iyo dadkiisaba kaga daaweeyo xanuunada ilkaha ee ay adgtahay in dhakhaatiir aqoon u leh looga helo dalka, isbitaalada dalkana aya gabaabsi ku yihiin dhakhaatirtaasi.

     

    Dr. C/rashiid Cumar sheekh, ayaa dhinac kalena sheegay in adeegyadani yihiin kuwa ilaahay loogu dhawaado, maadaama dad xanuunadaasi la ildaran Ilaahay daawada ugusoo dhiibo, loona duceeyo.

     

    Furitaankan cilmiga ilkaha ee jaamacadda Camuud, ayaa sidooa kale dhakhtarku sheegfay inay qayb ka tahay shaqo abuurista dhallinyarada kasoo baxda dugsiiyada sare oo an lahayn mihnad ay ku shaqaystaan, taasina ay ka badbaadinayso tahriibta ay dalka uga baxayaan shaqo la’aanta.

     

    Sidoo kale ayaa dhakhtarku dufcaddan ugu horreysa ee kulliyadda ka bilaabaysa cilmigadensti, tiradooduna dhammayd labaatan isugu jira wiilal  yo gabdho, kula dardaarmay inaysan wax u baran  mihnaddan inay ku xoogsadaan oo keliya, balse looga baahanyahay inay ku daraan naxariis iyo samafal ay ugu adeegaaan dadka an iska bixi karayn kharash loogu adeego.

     

    Laantankan arday ee Kuliyadda Dentistriga ee kusoo biirtay kulliyadaha kulliyadaha jaamacadda Camamud, ayaa ah tii sagaalaad ee ka mid noqoto laamaha cilmiga lagu barto.

     

    xafladii-furantaanka-kuliyadda-dentistriga-1

     

    xafladii-furantaanka-kuliyadda-dentistriga-3

     

    xafladii-furantaanka-kuliyadda-dentistriga-4

     

    xafladii-furantaanka-kuliyadda-dentistriga-5

     

    xafladii-furantaanka-kuliyadda-dentistriga-61

     

    Maxamed Cumar Hyena

    Harowo.com, Boorama, Somaliland

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: