SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Buuhoodle: Saddex Qof Oo Ku Dhaawac Iska Hor-imaad Maanta Dhex-maray Ciidamada Somaliland Iyo Koox Dablay Ah

    Posted by Sawnews.tk on November 2, 2009

    Buuhoodle(Sawnews)-Hawlgal balaadhan oo ay ciidamadda qaranka Somaliland maanta galinkii hore ka fuliyeen magaalada Buuhoodle, kuna doonayeen in ay ku soo qabtaan nin sheegtay in uu ka dambeeyey qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Laascaanoodee  lagu dilay taliyihii guutada 12-aad ee ciidanka milaterga Somaliland, ayaa sababay dhaawac saddex qof.

    Ninkan ay Ciidamada Qaranka Somaliland ku daba jireen, ayaa ka dambaysay mar uu xalay fiidkii ku baahiyey idaacad FM- ah oo ku taala magaalada Buuhoodle in uu isagu ka dambeeyey qaraxii shalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee ku dhintay Taliyihii guutada 12-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Marxuun Cismaan Yuusuf Nuur.

    Weerarkan ayey ciidamada Somaliland ku qaadeen Hotel uu ka deganaa magaaalada Buuhoodle, halkaas oo ay ka bilaabmatay is-rasaasayn xoogan oo ay ciidamada kala hor-yimaadeen koox dabley ahaa oo ninka difaacayey, waxaana mar kaliya goobtii isu soo baxay dadweyne faro badan oo markii bilaabay in ay dhegax tuuraan ciidanka Somaliland, islamarkaana ku qaylinayey ereyo cusuriyadaysan oo ka dhan ah Somaliland.

    Waxaana xabada ay labada dhinaca is-waydaarsanayeen sababtay dhaawaca saddex qof oo shicib ah, kuwaas oo markii-ba loo la cararay xaruumaha caafimaadka ee magaalada. Hase yeeshee wax khasaare ahi muu soo kala gaadhin ciidanka Somaliland ee hawlgalka fulinayey iyo kooxdaa dableyda ah ee dufaacaysay ninka dabiilaha ah.

    Wararka naga soo gaadhaya degmada Buuhoodle ayaa xusaya in aanay ciidanku ku guuleysan in gacanta ku soo dhigaan ninkaa,  markii dambana si qarsoodi ah looga saaray Hotelkii uu deganaa. Iyada oo aan ilaa hada wax war ah laga hayn meeshii uu u baxsaday.

    Waxaana masuuliyiinta dawlada ee degmada Buuhoodle ku macnayeen soo qabasho la’aanta ninkaa dambiilaha, ka dib markii ay ciidanku u tudheen shacabkii maantida ahaa ee kacdoonka kala hor-yimid.

    Oodweynenews.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: