SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Oo Faah Faahin Ka bixiyay Qaraxyo Qorshaysan Oo Lagu Khaarajiyay Taliyihii Qeybta 12-aad ee Ciidanka Qaranka. Qaraxan Oo Loo Adeegsaday Miinada gacanta laga Hago

    Posted by Sawnews.tk on November 1, 2009

    breaking%20newsHargeysa(Sawnews) Nov. 1, 2009 – Alle ha u naxariistee waxa saaka qarax qorshaysan  oo kala dambeeyay lagu dilay Taliyihii Qeybta 12-aad ee Ciidanka Qaranka Marxuum- Cismaan Yuusuf Nuur isagoo ku gudo jiray kormeer shaqo oo uu ku marayay Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool gudaheeda. Waxa kale oo qaraxaasi ku dhaawacmay laba askari iyo laba qof oo rayid ah.

    Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Saleebaan Warsame Guulleed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay qaraxyadan oo uu tilmaamay inay ka dambeeyeen cadowga Somaliland waxaanu yidhi “Marka hore sida aad la socotaan Magaalada Laas-caanood waxa ku lagu dilay oo ku dhintay Taliyihii Ciidanka Qeybta 12-aad ciidanka qaranka Cismaan Yuusuf Nuur, Magaalada Gudaheeda wakhtigaasi gudanaya kormeer shaqo. Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii iyo ciidanka qaranka iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Taliyahaasi wuxuu marxuumku dhintay laba qarax oo waddada dhinaceeda ka dhacay oo kala dambeeyay markii uu mid ka istaagay ee uu is yidhi eeg ka dib ayuu qaraxii labaad ku dhacay marxuumka.”

    “Falkaasi wuxuu ahaa dagaal qorshaysan iyo dil qorshaysan oo ay Fuliyeen Coadowga Somaliland, sidaasi daraadeed waxaanu u sheegaynaa codowga Somaliland inay diyaar u yihiin Ciidanka Qaranka Somaliland difaaca  dalkooda iyo shacbigooda,”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaan-dhigu waxaanu intaasi ku daray, “Waxaan  u sheegayaa shacbiga Somaliland baadhistiiba socota inaan lagu soo dhex dhuuman cidii falkaasi lagu helana tallaabo deg deg ah oo sharciya laga qaadi doono.”

    Sidoo kale, dad goob joogeyaal ah oo aanu kula xidhiidhnay khadka Telefoonka ee Magaalada Laas-caanood ayaa noo xaqiijiyay in bariga magaalada abaaro 9:30 laba qarax oo kala dambeeyay ay gilgileen Magaalada Laas-caanood.

    Qaraxyadan oo ahaa siday masuuliyiinta maamulka Gobolka Sool sheegeen loo adeegsaday  miinooyinka gacanta laga hago, oo la dhigay jidka  ay maraan Ciidanka Qaranka.

    Sidoo kale waxa warku intaasi ku daraayaan in ciidamada qaranku ay isku gadaameen Magaalada baadhistii dhacdana ay socoto.

    Ramaasnews Desk
    Hargeisa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: