SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Lix Qof Oo Loo Xidhay Qaraxyadii Ka Dhacay Laas-caanood Iyo Bandoo Lagu Soo Rogay Magaalada.

    Posted by Sawnews.tk on November 1, 2009

     Hargeysa(Sawnews) Nov.1, 2009 – Badhasabaabka Gobolka Sool Mr.  Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle) ayaa sheegay in qaraxyadii  maanta ka dhacay magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool, loo xidh xidhay illaa lix qof isla markaana ay socoto baadhis qoto dheer oo lagu daba joogo cidii ka dambaysay qaraxyadan  lagu dilay Talihii qeybta 12-aad ee Ciidanka Qaranka Cismaan Yuusuf Nuur.

    Badhasaabka oo ku sugan Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa saxaafada u sheegay in muddo 24 saacadood ah bandoo lagu soo rogay Magaalada Laas-caandood, waxaanu yidhi “Waxa magaalada lagu soo rogay bandoo muddo 24 saacadood ah, magaalada ma jirto cid ka baxaysa iyo cid soo galaysaaba, waxaana ka socota baadhis qoto dheer oo aanan jeclayn inaan ka hor dhaco.waxaana la baadhayaa dadka socota ah ee magaalada ku sugan.”

    Cali Sandulle wuxuu sheegay in qaraxan ka dhacay Laas-caanood loo adeegsaday miinooyinka rimuudka lagu hago, waxaanu yidhi “Qaraxan waxa loo adeegsaday miinada rimuudka lagu hago  waxaana jiray warar hore oo dad odhan jireen waxa la dilayaa massuliyiinta maamulka gobolka Sool, oo Anigu aan ku jiro.”

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: