SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Koox Dhakhaatiir ah oo ka soo degay Madaarka Aadan Isaaq ee Borama + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on November 1, 2009

    alt

    Borama(Sawnews) Shalay Galab(Sabti) ayaa waxaa soo caga dhigatay diyaaradii siday dhakhaatiirtii kijaabi hospital ee ka iman jiray Dalka Kenya, Dhakhaatiirtan ayaa waxaa soo dhaweeyay Dad aad u fara badan oo isugu jira  Rag iyo Dumar. Dhakhaatiirtan ayaa dadkii soo dhaweeyay waxaa ka mid ahaa dhakhaatiirta da’ada yare e jaamacada cammuud dhigata iyo dhakhaatiirtii waawaynady kuwaasoo oo ay ka mid ahaayeen Dr: Walhad, Dr: Ismail,Dr: Siciid, Dr: Buuxane, Dr: Maxamed Faarax, Agaasimaha wasaarada caafimaadk Gobolka Dr: C/Daa’uud , Drs Faatima X/Abokor,   Rooda Ibraahim Rijaal, Sidoo kale halkaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha ama Xidhiidhiyaha Labada Gobol Ee xisbiga Ucid Ahna  Xubin ka tirsan golaha Fulinta ee xisbigaas Pro: Axmed Mu’min Seed, Pro: Caydiid X/Daahir iyo marti sharafkale oo farabadan , Munaasabadaa soo dhawaaynta ah ayaa waxanan lagu arag mas’uuliyiintii Dawlada Marka laga reebo Taliye Ku xigeenka Policeka Gen: Muuse Kaadhin.

    Sidoo kale halkaa waxa ka maqnaa mas’uuliyiintii xisbiyada marka laga reebo Xisbiga Ucid oo uu ka joogay Pro: Axmed Mu’min Seed, oo la odhan karo waa xubin xisbiga ucid ka tirsan oo aad ufirfircoon oo ka qayb gasha munaasabad kasta oo noocanoo kale ah.

    Munaasabadan soo dhawaynta ah ayaa waxaa ka hadlay  Qaarka mid ah mas’uuliyiintii halkaa iskugu timid waxaa ka mid ah dadkaa halkaa ka hadlay Dr: Ismail oo mrka hore u mahadnaqay illaaha usuura galiyay inay yimaadaan dhakhaatiir noocanoo kale ah gobolkan , waxa kale oo  uu umahadnaqay dhakhaatiirtan  soona dhaweeyay.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Xidhiidhiyaha labada gobol  Awdal iyo salal dhinaca doorashooyinka  ee xisbiga Ucid  Pro: Axmed Mu’min Seed waxa uu halkaa ka soo jeediyay ereyo soo dhawayn ah Iyo mahad naq iskugu jira isaga oo hadalkiisii sii watana waxa uu yidhi waxa muhiim ah in laga qayb qaato hawlahan noocanoo kale ah soo dhawyntooda maadaama Dadkeenii ay wax uqabanayaan lagana badiyo soo dhawaynta oo dadka magaaladu oo dhami ay soo dhaweeyaan dhakhaatirtan ugu danbayntii gudoomiyuhu waxa uu lu mahad celiyay illaahay usuuro galiyay inay yimaadaan gobolkan dhakhaatiir noocanoo kale ah.

    Dhakhaatiirtan aya soo dhawayn ka bacdi waxaa loo soo qaaday dhinacaa iyo magaalada iyada oo lagu galbinayay gawaadhi kor udhaafaysa kontameeyo , waxaana lagu soo galbiayay Hotelka wayn Eee Rays Hotel oo sanadwalba marka ay yimaadaan lagu soo dhaweeyo inta ay joogaan magaalada.

    Dhakhaatiirtan ayaa yimaada magaalada borama sanadkiiba laba goor iyaga oo qaliin loo tagi lahaa wadamada casriga ah ay halkan ugu sameeyaan bilaa lacag.

    Dhakhaatiirtan ayaa waxaa ka horeeyay kuwo dhawaan qaliin ku samaynayay dadka faruuran .


    Borama(Bnn)

    alt


    alt

    alt 

    alt 

    alt 

    alt 

    alt 

    alt 

    alt 

    alt 

    alt 

    alt 

    alt 

    alt 

    alt 

    alt 

    alt 

    Reporter:  Jaabir  Ali Omer

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: