SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • War-saxaafadeed: Dawladda Somaliland Oo ka hadashay hadalo ka soo yeedhay Afhayeenka Ciidamada AMISON Iyo Raiisal Wasaaraha Somalia

    Posted by Sawnews.tk on October 31, 2009

    Somaliland_COATix –raac maqaalka cadadkiisu yahay 4013 ee Wargeyska Jamhuuriya kuna soo baxay maalintii shalay Jimce 30/10/2009, kaaso faafiyay in Afhayenka Ciidamada ‘Amisom” ee jooga Muqdisho, uu ku dhawaaqay in ay fasax u haystaan in ay hawlgalo ay ka fuliyaan dhamaan dalkii la isku odhan jiray Somalia oo ay ku jirto Somaliland hadalkaasi oo uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Moqdisho.

    Waxaanu u aragnaa in  afhayeenkaasi aanu wax xog ah ka haynin Somaliland iyo qadiyadeeda.

    Waxaanu afhayeenka u sheegeynaa in ay Somaliland  ahayn qayb ka tirsan Somalia, oo ay tahay Jamhuuriyad madexbanaan oo gaarkeed xuriyadeeda u haysata wax colaad ah oo Somaliland gudaheeda ka taagan oo badbaado u baahan aanay jirin, cid amar ku bixin kartaa in Somaliland arrimaheeda ciidan ahaan la faragaliyo oo rukhsad looga qadayo aanay jirin.

    Waxaanu leenahay ‘AMISOM” xilka Moqdisho ayay fasax u haysataaye ha ku filaanto, waana ma dhacdo in Ciidamo aanay Somaliland codsan aanay iman karayn Somaliland.

    Gabagabadii waxaan afhayeenka u sheegayna in uu ku filnaado sugida amaanka magaalada Moqdisho oo qudha.

    Sidoo kale waxaan tix raacayna war kale oo isaguna ku soo baxay Wargeyska Geeska Afrika cadadkiisa 796, kuna taariikheysan 31/10/2009 oo sheegaya in Rayisal Wasaaraha dawlada Sh. Shariif uu kaga dhawaaqay xarunta  Chatham  house ka ee magalada London in awladiisu ay qorshe wada hadal ah ay u diyaariyeen Somaliland taas oo uu ku tilmaamay in uu dhici doono doorashooyinka Somaliland ka bacdi, qorshahaasna ay la og tahay Dawlada Ingriiska.

    Rayisal Wasaaruhu wuxuu sheegay in ay amaan daro ka jirto Somaliland sababna uga dhigay doorashooyinkii oo qabsoomi waayay.
    Waxaanu Rayisal Wasaaraha u sheegayna in dhibaatooyinka ka taagan Somalia  ee ay dawladiisu maareyn kari weyday aanay kula soo galgalanin Somaliland.

    Somaliland waa Jamhuuriyad madaxbanaan hawlaheeda iyo midnimadeeda ku dhameysatay wada hadal iyo isku tanaasul, hore ayaanu idiinku sheegnay in ay Somaliland si cad la soo noqotay xuriyadeeda 1991 kii marnaba suuragal maaha in wax wada hadal ah ay dhax maraan labadeena dhinac .

    Waxaynu idiinku ducaynaynaa in uu ilaahay idinku waafijiyo dantiina ilaahayna inagakiin siiyo samir iyo imaan

    Siciid Maxamed Nuur

    Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: