SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Nadwo Cilmiyeed diini ah Lagu soo Gabagabeyey Masjid Jaamicii hore ee Magaalada Boorama

    Posted by Sawnews.tk on October 31, 2009

    Boorama(Sawnews)Waxaa caawa si rasmi ah lagu soo gabgabeeyey Masjid jaamicii hore ee magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal Nadwo cilmiyeed diin ah oo bilaabatay 26/10/09 ,Nadwo cilmiyeedkaan ayaa waxaa si weyn uga soo qayb galay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Boorame.

     

    Nadwada oo ahayd tii ugu horaysay ee lagu qabto magaalada Boorame ayaa waxaa ka soo qayb galay Culimo iyo Ducaad ka kale duwan.

    Culumada ka Qayb Gashay iyo Wax yaalihii ay ka hadleen:

     

    (1) Sh C/laahi Sh Cali Jowhar: Dhamaystirka ama Soo koobida Shareecada.
    (2) Sh Maxamed Yuusuf: Ahmiyadda Cilmigu leeyahay Sharciga ah
    (3) Sh Maxamed Cabdi Fiqiga Reebidda Xumaanta
    (4) Sh Cilmi Ismaaciil: Icjaaska Qur,aanka
    (5) Sh Yuusuf Aadam: Sababaha keena Inxifaarka Shabaabka
    (6) Sh Xassan Khayre Dirir: Laab Xaadhnaanta
    (7) Sh Sh M Cumar Dirir Kaalinta Dumarka Bulshada Muslimka ah dhexdeeda

     

    (8) Sh Cali Aadam Dhex dhexaadnimada Islaamka

     

    Faaiidada Mutamarka Laga helay oo Noqotay Mid Dhaxal gal ah:

     

    Dadweynaha ka soo qayb galay Nadwo cilmiyeedkaan ayaa waxaa ay Culimada iyo ducaadu ay ka faaiidaysteen Fataawaad iyo Towjiihaad cilmi ah, dhinac kale Jaaliyaadka dibada ayaa waxaa ay nadwada ay kala socdeen Halgan.net oo si maqal iyo Muuqaal ah u tabinaysay Nadwadaan, dadweyne aad u fara badan oo ku nool dalka Soomaaliya dibadiisa ayaa waxaa ay dhagaysiga ka sakow ay su,aalo gaarsiiyeen Nadwada iyadoo wixii suura gal ah loo gudbiyey culimada.

     

     

     

    Hoos ka daawo su,aalihii iyo Jawaabihii culimada ay ka bixiyeen caawa Nadwadii Boorame

     

    Culimada Soomaliyeed ayaa wada dadaalo iskugu jiri Faafinta Shareecada Islaamka ayaga oo gudanaya waajibka gaarka ah ee saaran iyo Nabadda iyo wax kasta oo uu ku jiro himiga sare ee looga baahan yahay Qof kasta oo muslim ah, Culimada ayaa tilmaamay dhibaatada waxa looga bixi karo in ay tahay in Bulshada la saxo khaladaad keeda guud si biri ama bari danbe ay Hogaanka kuwa qabanaya u noqdaan kuwo toosan oo allah oga cabsada Umadda.

     

    Culumo badan ayaa gudaha dalka Soomaaliya iyo dibadiisa ka wada dadaalo dheeraada waxaana bishii hore Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Muxaada rooyin ku qabtay, Sh Maxamed Cabdi Umal iyo Fadiilatu Sh C/qaadir Nuur Faarax
    ayaa ka mid ah culimada Nairobi ka jeediyey muxaadaraad wax ku ool ah.

     

    Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka hadlay dhibaatooyinka cadowga Muslimiintu ay ka faaiidaysanayaan Midnima la,aantooda wax uuna Shiikh Umal Xafidahullah uu duubay 4 Cajal oo dhaxal gal u ah Umadda Soomaliyeedna u noqon karaan meel ay ula laabtaan Khilaafkooda iyo bur burkooda.

     

    Sh C/qaadir Nuur Faarax oo ah Aabbayaashii dacwada Salafkaa ee kana mid ah culimadii ugu horeeyey ee ka baxa Jaamacaadka Islaamiga ah ayaa ka waramay Taariikhda iyo heerarkii ay soo martay Dacwada Salafka iyo Caqiidada Saxiixaa.
    ee dalka Soomaaliya.

     

    Gabagabadii Nadwo cilimiyeedkaan diiniga ah ayaa waxaa hadal kooban ka jeedi yey Maamulaha Machadka Saylac isagoo ka waramay u jeedada ay u qabteen Nadwada waxaan uu mahad u celiyey howlwadeenadii Nadwada iyo culimadii soo ajiibtay ee kala soo qayb galay Nadwada.

     

    Waxaa isku soo dubariday
    Ustaad Dalboon

     

    Xigasho:Halgan

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: