SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirka Arr. dibada Somaliland oo Sheegay in Safaarad Buuxda laga dhigay Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa

    Posted by Sawnews.tk on October 30, 2009

    ducaaleHargeysa(Sawnews)-Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale, ayaa shaaca ka qaaday in kor loo qaaday xafiiskii ganacsiga ee dawlada Ethopia ku lahayd Somaliland, kaas oo uu xusay in laga dhigay Xafiis Siyaasadeed oo xoojin doona xidhiidhka labada Dawladood ee Ethopia iyo Somaliland, isaga oo ku tilmaamay talaabo Horumar ah oo ay ku talabsatay Somaliland.

     

    Wasiirka Arrimaha Dibadu wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu maanta xafiiskiisa ugu waramayey Saxaafadda ka dib markii uu halkaasi kulan qaabilaad ah kula yeeshay Wakiilka cusub ee Ethopia u soo magacowday Somaliland , Kaas oo badali doona Wakiilkii hore ee Ethopia u fadhiyi jiray oo dhawaan la badalay.

    Wasiirka Arrimaha Dibadu Mudane Ducaale waxaa uu tibaaxay in wakiilka cusub ee dawlada Ethopia uu habeen hore kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Madaxweynaha Somaliland ,waxaanu Wakiilku Madaxweynaha soo gaadhsiiyey sida uu sheegay Wasiirku fariin uu uga siday Madaxda Dawlada Ethopia.

    Waxaanu wasiirku isaga oo arrintaasi ka hadlaayana yidhi “Waxaa maanta halkan inagu soo booqday oo inala fadhiya Mudane Tasray safiirka Ethopia u qaabilsa Somaliland iyo hawl wadeeno kale oo ka socoda xafiiska iyo wasaarada arrimaha dibada ee dalkaasi ethopia.

    Waa uu Mudane Tasfay yimid shalay waana aynu sugaynay waana tii la badalay wakiilkii hore markaa saaka halka ayuu noogu yimid xafladii ayaanu nagala soo qayb galay aanu ku xusaynay ,sanad guuradii kowaad ee ka soo wareegtay maalintii sida axmaqnimada leh loo soo maleegay falkii argagxa lahaa ee lala beegsadey saddex goobood oo muhiim ah kuwaas oo kale ahaa Xafiiska UNDP,Safaaradda Ethopia ay ku leedahay magaalada Hargeysa, iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

    Waxa uu noogu yimidna runtii waxaa u ahaa booqasho sharaf arrimaha aanu ka wada hadlaynayna waxaa uu ahaa xidhiidhka labada dal ee Ethopia iyo Somaliland iyo sidii loo xooojin lahaa dee farxad weyn bey runtii anaga noo tahay oo xafiiskeeniina laga dhigay halkii markii hore la odhan jiray Xafiiskii (Trade Office) amaba xafiiska ganacsiga ayaa ku qornaa in muddo ahna wuu shaqaynayey xafiisku ,hawlo badana runtii waa qabanyey aad baananu dee xukuumadaas ugu maahad celinaynaa saaxiibadayo,in Upgrading lagu sameeyo oo uu noqodo safiir ,qaran kana runtii waa wax weyn oo soo kordhay , Hawlahiina dee halkii uun baa laga sii xoojinayaa , waxaanan doonayna intaasi si rasmi ah loo socodsiyo.

    Source- Bnn

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: