SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xeer Ilaaliyaha-guud ee Qaranka oo lagu dhex Toogtay Gurigiisa, Dhaawacna soo Gaadhay

    Posted by Sawnews.tk on October 29, 2009

    Dablaydu waxay ka toogteen Saqafka sare ee Gurigiisa Habeen hore isagoo Hurda

    Hargeysa (Sawnews) Dablay aan la garanayn ayaa habeen hore goor saq dhexe ah gurigiisa ku dhex toogatay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xuseen Cabdi Qaalib isagoo hurda gurigiisa.

    Dablaydan oo aan ilaa hada la garanayn cida ay ahaayeen iyo sababta ay u weerareen Xeer Ilaaliyaha ayaa la sheegay inay fuuleen gurigiisa dushiisa gaar ahaan qolka uu  hurday halkaasoo ay rasaas kala soo beegsadeen taasoo soo gaadhsiisay dhaawac fudud

    Rasaasta ayaa la sheegay inay la beegsadeen xeer ilaaliyaha balse iyagoon ogayn sida ay wax u gaadheen ayay ka boodeen halkii ay ka soo fuuleen, waxaanu xeer ilaaliyuhu goor danbe ku war helay dhaawaca gaadhay isagoo markii hore sida la sheegay isku dayay inuu ogaado dadka weerarka u geystay

    Warkan waxa noo xaqiijiyay Af-hayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge oo aanu wax ka weydiinay sida uu u jiro dhaawaca soo gaadhay Xeer Ilaaliyaha guud waxaanu sheegay inaan la garanayn cida weerartay iyo sababta loo weeraray toona.

    Xeer ilaaliyaha Guud waxa uu xilka hayay muddo aad u badan waana markii kowaad ee weerar loo geysto. Waxaana lagu tiriyaa inuu yahay nin qun-yar socod ah oo aan inta badan loo tirin wax dhac dhac ah oo la xidhiidha hawsha uu hayo oo ah mid xaasaasi ah, had iyo jeerna waxa  caado u ah inuu yahay nin kali socod ah oo aanay jirin wax uga dhaxeeya shaqada iyo masaajidka marka uu shaqada ka rawaxo. isagoo ka mid ah masuuliyiinta fara kutiriska ah ee xil muhiim ah haya ee aan hadana lahayn ciidan ilaaliya

    Dhacdadan oo ah mid ku cusub dhaqanka Somaliland ayaa ah mid khatar ku ah amaanka masuuliyiinta xilka haya oo aanay caado ahaan jirin in sidan oo kale loo weeraro inkastoo ay jirto dareeno xaasaasi ah oo ka jira mandaqad geeska Afrika taasoo ay daruuri tahay in la adkeeyo guud ahaanba amaanka

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: