SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxtooyada oo Maanta lagu Qabanayo Xus loogu Baroor –diiqayo Qaraxyadii 29-kii October (+ Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on October 29, 2009

    PICT6807Hargaysa(Sawnews)Munasibad maanta lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland taa oo lagu xusayay sanad guradii koowaad ee ka soo wareegtay maalintii  weerarada is midaaminta ah lagu qaday sadex goobood  oo  ku yaal magalada Hargeysa kuwaas oo ahaa madaxtooyada , Safaarada Itoobiya iyo Xarunta UNDP.

    Xuskaas 29 oct 2008 waxaa ka soo qaybgalay madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale kaahin ,Madaxwayne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin  iyo xubno ka socday golaha wasiirada,  xildhibano ka tistasan wakiilada iyo golaha guurtida ,Waxaa kale oo xuskaa ka soo qayb galay  gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Fasal Cali Waraabe ,

    sidoo kale waxaa ka soo qayb galay munaasibad baroor diiqda ah Sarakiil ka socotay xafiiska hayada UNDP, xafiiska safaarada  Etoobiya ee magqalada hargaysa .

    Munasibadan oo ay hadalo kala duwan   laga jeediyay  oo ka hadlaya maalintan dadkii halkaa ka hadlay waxay  ku dheeradeen in  falkaas ismiidaminta ee hargeysa laga  fuliyay ay u jeedadiisu ahayd in  qarinimada Somaliland lagu bur buriyo ,waxayna halkas tacsi uga direen dadkii ku geriyooday eheladoodii iyo qarabadodi iyo dhaaman reer somaliland  oo dhan iyagoo u soo jeediyay dad waynaha reer Somaliland inay  ilashadaan nabad galyadooda  kana  foojinnadaan falalka noocan oo  kale ah.

     Waxaa kale oo madaxweynaha somaliland  ka waramay weeraradii  kala duwaan ee  lugu qaaday dadka  ajaanibla  ah wuxuuna ku tilmaamay in ay ahaayeen falal aragixiso oo lagu dhawacayay  jiritaanka somaliand.

    Madaxwenaha wuxuu hal kaas  ku xusay in loo baahan yahay in walidiintu ogaadaan waxa caruurtooda la barayo isaga oo tilmaamay in dhalin yaro yar yar oo reer Somaliland ah la qalday kuwaas oo ku biiray shabakadaha shabaab iyo xisbul islaam..

    Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay taageeraan xasiloonida ka jirta Somaliland si ay kooxaha argagixisada u wiiqaan in wadamada dariska ah na ayna dani ugu jirin nabadgalyada Somaliland oo xumaata.

    Gabagadii waxaa halkaasi la dhigay ubax lagu xusaayo malintan naxdin leh ee la soo darstay dhamaan dadka reer soomaliland ee lagu kala kacay falalka argagixiso oo  ku beegnayd maanta. 

    Sawnews Dest Hargaysa

    www.sawnews.tk

     PICT6802PICT6829PICT6825PICT6822PICT6821PICT6815PICT6811PICT6807PICT6803PICT6802PICT6835

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: