SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shirkadda Dahabshiil Oo Adeega Cusub ee (E-Cash) Ku Soo Kodhisay Adeegyadii

    Posted by Sawnews.tk on October 28, 2009

    Hargaysa(Waaheen)Shirkada Dahabshill ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigay Adeeg cusub oo ay ku soo kordhisay adeegyadii ay hore bulshaada ugu qaban jirtay, kaasoo la yidhaahdo eCash  oo u suuto-gelinaya macaamiisha shirkadaas inay lacagtooda Kaadh ku shuban karaan, isla markaana ay si madax-banaan u isticmaali karaan maalmaha Ciidaha, Jimcayaasha iyo fasaxyada aanay oo aan loo xanibmin Xafiisyada Shirkadda.

    Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo hoggaamiyayaasha xisbiyadda mucaaridka ah ee Kulmiye iyo UCID, ayaa maanta ka qayb galay xaflad balaadhan oo lagu qabtay huteelka Ammbassador ee magaalada Hargeysa, oo lagu furayay adeeg casri ah oo la magac baxay E-Cash oo telefoonka aad lacagaha ku kaydsan karto kuna xawilan karto, Oo ay soo kordhisay shirkada Dahabshiil.

    Xafladaasi waxa wasiiradii ka qayb galay ka mid ahaa wasiirada ganacsiga, duulista hawada, arrimaha dibada, guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo murashaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID, ganacsato iyo marti sharaf kale.

     

     

    Wasiirka ganacsiga Somaliland Md. Abiib Xasan Fifil, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadu ay soo dhawaynayso humarka shirkadaha ganacsiga dalku gaadheen, waxaanu shirkada Dahabshiil uu ku bogaadiyay tallaabada iyo adeega cusub ee ay soo kordhisay waxaanu yidhi “Waanu soo dhaweynaynaa xukuumad ahaan iyo wasaarad ahaanba shirkada Dahabshiil, oo aan odhan karo waxaad ka faa’iidaysateen qodobka 11-aad ee dastuurka dalka oo dhigaya in ganacsigu madax banaanaado, wasaarad ahaan diyaar ayaanu idiin nahay wixii aad nooga baahataan hawl ee wasaaradda idinkaga xidhma.”


    Sidoo kale, waxa xafladaasi warbixino kala duwanka soo jeediyay maareeyaha guud ee shirkada Dahabshiil, Cabdi Faarax Axmed, waxaanu tafaasiil ka bixiyay adeegyada shirkada Dahabshiil, waxaanu sheegay in adeegan E-cash, oo uu tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah adeegyada casriga ah ee dunida laga isticmaalo, waxaanu intaasi ku daray in suurtogelinta qorshahan ay shirkadaasi kaga baxday dadaal iyo lacag aad u badan.


    Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo murashaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Maxamed-rashiid Sh. Xasan, waxaanay ka warameen ahmiyada ay qaranka u leedahay horumarinta shirkadaha ganacsiga, waxaanay soo dhaweeyeen qorshahan Dahabshiil soo kordhisay.
    Masuuliyiintaasi waxay sheegeen in dal kasta horumarkiisa ay hal beeg u tahayheerka horumarka ganacsiga wadamada

    waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: