SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale oo ku dhawaaqay in beri dalka laga qabanayo xus loogu Baroor –diiqayo 29 October

    Posted by Sawnews.tk on October 28, 2009

    Hargaysa(Sawnews) Kulan maanta lagu dhaarinayay toddobada xubnood ee Komishanka oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ayuu Madaxweyne Rayaale kaga dhawaaqay in beri ay diyaariyeen munaasibad baroor diiq ah oo loogu ducayn doono dadkii ku dhintay qaraxyadii ay ururka Alshabaab sanadkii hore ee 2008 ay ka fuliyeen xarunta Madaxtooyada, safaarada Itoobiya iyo xarunta Qaramada Midoobay ee ku yaala Caasimada Hargeysa oo ay ku dhinteen dad badani.

    Waxa uu Madaxweyne Rayaale sheegay kulanka baroor-diiqda ah in lagu qaban doono Madaxtooyadda maadaama ay tahay goobtii ugu dhimashada badnayd ee khasaaraha ugu weyni soo gaadhay isla markaana ay ku casuumi doonaan madaxda qaranka oo dhan.

    Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe oo isna ka hadlay xuska 29 oktoobar ayaa si weyn ugu hanjabay inay uga hor tagi doonaan kooxaha xagjirka ah ee Somaliland ka fuliyay qaraxyadii khasaaraha geystay, waxaanu uga digay hanjabaadaha ay imika ku hayaan dalka, waxaanu yidhi   “ beri waa 29 kii oktoobar, waa maalintii aad ogeydeen ee la ina soo weeraray  waa inaynu qabanaa xus oo aynu tusnaa inaynu ka xunahay, oo xasuusanaa dadkeenii xaqdarada ku dhintay, kuwa hada inoo soo hanjabayana waxaanu u sheegaynaa inaanu muranka dhexdayadu ahayn inaanu kala jeedno. Waxaan u sheegaynaa inaanu meel ka soo wada jeedno diyaar u nahay meel qudha oo dalkayaga ah haday xabadi ka dhacdo anagoo maqiiqan oo midaysan inaanu isu soo baxayno” waxaanu intaa raaciyay oo dadka ugu baaqay inay foojignaadaan waxaanu yidhi “ hala foojignaado, cadawgeenu waa aktif  laakiin weynu ka adkaanaynaa haddii aynu sidaa imika aynu ku shaqaynayno wada tashano. Madaxweynahana waanu ku amaanaynaa doorkii horaan sheegayoo aan ku idhi ducee, markaa doorkan wuu duceeyay, ducadii way muuqataa, waxaan jecelnahay inaynu sidaa u wada shaqayn doono oo Doorashada hareeraha la iska taagi doonaa.”

    Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa isna soo dhaweeyay Xuska baroor-diiqda ee la qabanayo

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: