SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaariyay toddobada xubood ee komishanka cusub

    Posted by Sawnews.tk on October 28, 2009

    Hargays(Sawnews)Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Xirsi Oomane ayaa saaka toddobada xubnood ee loo soo magacaabay Komishanka ku dhaariyay xarunta Madaxtooyadda Somaliland, waxaana xafladda dhaartu ay ka hor dhacday Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan labada guddoomiye ee labada xisbi mucaarid Axmed Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu toddobada xubnood mid walba gaarkiisa ugu dhaariyay inay daacad u noqonayaan diinta islaamka, dalka Somaliland, dalkiisana ku maamulayaan sinaan iyo cadaalad inta ay xilka hayaan, waxaanu sheegay inay tahay waajib Distooriya waxaanu ilaahay u beryay inuu khayrkeeda waafajiyo

     (Muuqaalka Qaar ka mida Koomishanka Cusub oo Kitaabka Lagu Dhaarinayo)

     

    Madaweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ka hadlay xafladdaasi lagu dhaarinayay toddobada xubnood oo Komishanka ayaa isna yidhi “ munaasibadan waxaan ugu talagalnay inaan anaga iyo labadiina oday halkan wada joogno, oo aanu xoojino sidii aanu awal hore u qaban jirnay” waxaanu intaa raaciyay isagoo la hadlaya komishanka “ shaqo weynbaa halkaa idiin taala, kalsooni baanu idin siinaynaaye shaqada halkaa idiin taala wada shaqayn wadareedbaad kaga baxaysaan, waxaan idinkula dardaarmayaa wada-jir inaad ku shaqaysaan, anaguna ducaanu idiinku daraynaa inuu Illaahay hawshaa idin hortaala idiin fududeeyo.”

     Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo oo isna ka hadlay munaasibada dhaarta ayaa isna hadalkiisa ku bilaabay “ xilka maanta la idin saaray waa xil weyn, anagauna kalsooni buuxda ayaanu idin siinaynaa, Illaahay waxaanu ka baryaynaa inuu kuligeen inoo wada fudaydiyo” waxaanu intaa raaciyay isagoo ka hadlaya hawsha hortaala iyo waxa laga filayo waxa uu yidhi “ maanta waynu ognahayoo dadku dareemo farabadan buu qabaa, dareemo farabadanbaa imankara waayo waxbaa la soo maray, baqdin badanbaa jirta, walwal badanbaa jira, hawshaa wada-jirkiina iyo daacadnimadiina iyo dhaartaa aad maanta marteen iyo idinkoo shaqeeya, xilka la idinka sugayaana mid fudud maahee waa mid aad iyo aad u farabadan  weeyi. illaahayna waxaanu ka baryaynaa inaanaan faraglin badan idinku samaynin. Dabcan waxaanu jecelahay siday marwalba tahay fadaanu Murashaxiintii nahay aad u xaqsoorayseen  in si siman oo cadaalad ah oo aanaan idinla kala fiqin anaan yeelan, ee aad hawshaa si wacan uga soo bixi doontaan, waananu idinla shaqaynaynaa”

     Feysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa madashaa isna ka yidhi “ illaahay waa inuu hawshaa idiin sahlaa oo xilka idinku asturaa. Ta labaad waxa weeyi arrinta la idiin dhiibay waxa weeyi arrin wadankeenu u xayiran yahay taaasoo ah I doorasho wanaagsani inoo dhacdo. Doorashadii dib bay inooga dhacday waxaan filayaa inaad halkaa ka wadi doontaan oo aad doorasho wanaagsan inoo samaysaan. Ta kale waxa weeyi waxa ilaa imika la eegayaa waxaad ku bilowdaan bilowgiina taasoo ah sidaad wax u doorataan. Hadaad maanta aad madax fiican oo ah yaa ina wadi kara oo yaa inoogu qalma yaa ka soo bixi kara isku hayn kara dalka gudihiisa iyo dadka dibadaba aad wax ku doorataan waynu ka baxaynaa hawsha, laakiin hadaad tidhaahdaan ana waan geyaa, ana waan geyaa oo yaa wadi kara meesha aydaan ka dhigan tartan baa idinka dhaxayn doona ka ku soo baxana hadhawto lala shaqayn maayo laakiin waa inay noqotaa waxaad isku hanayseen oo aad tidhaahdaan waar hebel baa halkaa inoogu haboon”

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: