SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Booliska Hargeysa Oo Gacanta Ku Dhigay Maanta Ninkii Labaad ee Qaba Xanuunka Juudaanka.

    Posted by Sawnews.tk on October 28, 2009

    News-and-EventsHargeysa(Ramaas)  – Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa ayaa maanta duhurkii gacanta ku dhigay ninkii labaad ee la sheegay inuu qabo xanuunka juudaanka, waxaana masuuliyiinta Boolisku ay sheegeen inay dalka ku soo badanayaan dadka qaba xanuunka Juudaanka oo kuwaasi oo ka yimaada dalalka dariska la ah Somaliland.
     
    Ciidanka Booliska ayaa xalay dalka ka mastaafuriyay nin la sheegay inuu qabo xanuunka Juudaanka, oo shalay ka yimid itoobiya waxaana dib loogu celiyay halkii uu ka yimid.
     
    Dadweyne tiro badan ayaa maanta ku soo xoomay Saldhiga dhexe ee ciidanka Booliska ee Magaalada Hargeysa hortiisa  kuwaasi oo danaynayay inay xaqiijiyaan oo ay indhahooda ku arkaan ninkan.
     
    Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay waxa magaalada Hargeysa goobaha barkulanka iyo xaafadaha dhexdoodaba aad loogu hadal hayay sheekooyin la xidhiidha inay soo baxeen dad qaba xanuunka juudaanka oo dadka cunaya, kuwaasi oo habeenkii weeraraya dadka. Waxaana cisbitaalka guud ee Hargeysa lagu dawaynayaa gabadh yar oo 8 jir ah oo duleedka Koonfureed ee Hargeysa la sheegay inay dhaawacyo culusi soo gaadheen markii nin aan la aqoonsani uu mindi la dhacay.
     

    Ramaasnews Desk
    Hargeisa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: