SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Odayada Makaahiil oo la kulmay gudida Beelaha reer Nuur

    Posted by Sawnews.tk on October 23, 2009

    News-and-EventsBorama(Sawnews) Odayada Makaahiil ee dhawaanta la kulmay M/weyne Rayaale ee la sheegay in ay rabaan dhexdhexaadinta Beelaha Reer Nuur iyo J/Abokor ayaa kulan la sameeyay gudida beelaha reer Nuur, kulankaas oo ka dhacay magaalada Borama, ayaa la sheegayaa in odayadaasi u warameen dhanka duqayda reer Nuur, una sheegeen in beelo ka mid ah H/Awal ka codsadeen m/weynaha in la dhameeyo xurgufta beelaha deriska ah ee gabilay iyo dilla, sidaas awgeedna dhana Awdal loo soo xilsaaray gudidan 12 xubnood ah, sidaas waxa u sheegay Awdalpress mid ka mida duqayda reer Dilla oo magaciisa la yidhaa Maxamed Xasan, waxay soo dhigeen ayuu yidhi laba qodob oo ah in ciidanka dib loo soo qaado iyo in ragii dadka laayay la soo qabanayo, dhinaca odayada reer Dilla ayaa u sheegay in ay u arkaan duqaydan kuwo iyagu doorkoodii ka seexday una muuqda qaar ka maqnaa dalka ama aan hayn xogta wadanka iyo meelaha ay wax ka jiraan, waxaana loo sheegay ayuu yidhi in beelaha kale ee Samaroon ee maqan ay iyagu la hadli karaan, balse qolyahan makaahiil iyagu raadsadaan dadkii jidka lagaga laayay, Odayada beelaha makaahiil ayaa waxa ka mid ahaa B/cabdale, Aadan/yoonis, J/yonis,iyo Basanayo.
     
    Si kastaba ha ahaatee xaalada ka taagan labada dhinac ee gabilay iyo dilla ayaa iyagu u muuqda qaar ku heshiin kara wada hadal iyaga dhex mara, balse aan wakhtigan u bislaan taas oo iman doonta marka ilaahay la damco dhexdooda heshiis amase dad caqli leh u keeno

    awdalpress.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: