SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dameertu Geela Ha Didisee Qururuftay Kaga Dartay Odayaal ku Sheegga “Reer Xareed” By Kayse Nuur Xasan

    Posted by Sawnews.tk on October 23, 2009

    hand writingDad badani waxay isweydiinayaan su’aasha ah. Dadkii maxaa ku dhacay?
    Waxan isku sheegay odayaasha reer xareed tan loogama fadhiyin ee mid kale ayaan ka suagaynaa haddaan nahay Beelaha dhexe ee waddankan.  Dadkani waxay ceebeeyeen magacayagii iyo dadnimo aan taariikh u lahayn. Waxa ku jira dad “Yiciis ah”  oo dhaawac wayn u gaystay himiladii aan u soo halgannay. Rag wuu iska horyimaadaa oo wuu isdilaa, laakiin lama arag taariikhda dadkeenna  wax dad aan waxba galabsan waddo u joogsada oo sidaa foosha xun u dila. Waa ceeb xad dhaaf ah. Waa gunnimo iyo nacasnimo. Waa xayaawaannimo dhab ah.
     
    haddaanu nahay dadkan waddankan idinla degan ee weliba bahdiina ah waxan idinka sugaynay jawaab inaad ka bixisaan waxaa foosha xun. Lama garan karo caqli fayow inuu hanjabaad cusub keeno kii oo tii horeba foolxumadeeda sita. Haddaba suaasha aan is weydiinaynaa waxay tahay: Malaha dadkani ma garanaan dhibta ay geysteen xaddiga ay leedahay iyo raad xumada ay reebi karto. Aabahay wuxuu ku  dhintay buuraha Ethopia, adeerkayna dagaalkii fagashta ayuu ku shahiiday. Waxad lumiseen:
     
    -Himiladii aabahay iyo adeyrkay iyo tii kumanyaal kale oo ujeeddu u dhintay
    -Nabadii waddankan lagu wada joogay
    -Magacii beeshaydan ku faanaysay guusha
    -Dadnimadii iyo naxariistii aadaminimo
    -Gobanimo aan qayrkay ugu faani jiray oo aanan manta sheegan karin
    -shuruucdii diinta Islaamka
    -Qiimihii aqliga qofka ka soocayay kan xoolaha
     
    Dadkii aad waxaas oo foolxumu ah  u gaysateen arrimahan kor ku xusan oo dhan bay eegeen. Way ka xarragoodeen inay waxaad samyseen ku kacaan. Waa geesiyaal ammaan badan mutaystay, gacan nabadeed iyo middii walaalnimo ayaanan hawada u lalinayaa. Geesigu waa ka naftiisa ka adag ee leh argti dheer. Maaha fukuclaha waalan ee warranka la booda. Waxaad fasheen waa  wax aad u sahlan u qof walba si dhib yar u samyn karo. Qof dadnimo meel uun ka soo galana, dadnimadiisa ayaa ka hor joogsata. idinku ma soo gashaane oo foolxumaad qurux mooddeenne.
     
    Odayaal waxan idin leenahay maydinaan talin, manaydinaan baaqin ee sida xoolaha ayaad cideen. Waxad la garaad tihiin oo la daaqdaan xoolihiinna. Waxan si degdeg ah idiinka sugaynaa inaad noo soo sheegtaan dad iyo dugaag midka laydinku soo hagaago.
     Kayse Nuur Xasan
    UK. London

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: