SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Borama: Ururada SAYS, AYODA iyo SONYO oo qabtay Dood Ku Saabsan Islamka and Human Rights +Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on October 22, 2009

    Borama(Bnn) Dood Si heer  Sare loo soo agaasimay ayaa maanta waxa ay ka dhacday Hoolka Wayn ee RAYS Hotel Doodan ayaa waxaa  ka soo qayb galay musheekh, waxgarad, aqoonyahano, Dhalinyaro iyo haween.

    Munaasabadan aya waxaa soo abaabulay  ururada SAYS, AYODA, iyo SONYO.
    Munaasabadan ayaa waxaa lagaga doodayay Xuquuqda binuaadamka iyo Diinta Islamka.
    Doodan ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay  mas’uuliyiin ka kala socotay ururada aan kor ku soo sheegnay.

    Ugu horayn halkaa waxaa ka hadlay oo furay doodii Pro: Saleebaan Xasan Xaddi oo ahaa sarkaal sare oo ka socday ururka AYODA Saleebaan waxa uu sheegay in xuquuqda bini aadamka  ay tahay in la ilaaliyo sideedana looga shaqeeyo waxa uu ku dardaarmay in la badiyo kulamada  noocanoo kale ah.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay  Agaasimaha  ururka SAYS Pro: Nuur Adam Shirdoon, Nuur waxa uu mahadnaqay ka soo qaybgalayaashii isaga oo sheegay inay muhiim tahay in la badiyo kulamada noocanoo kale waxa kale oo uu sheegay inay mudan tahay inaan ka wada shaqayno sidii qofku uu u heli lahaa waxa u xaq uuleeyahay iyo in la illaaliyo wixii xadguduba.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka Hadlay  Mas’uul ka socday  ururka SAYS una qaabilsan illaalinta xuquuqda Carruurta oo afka qalaad lagu yidhaahdo  Child protection network

    Pr: C/casiis Diiriye waxa uu sheegay inay tahay in la illaaliyo xuquuqda dhamaanteed oo aanan lagu eekayn oo qudha ta dadka waawayn.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolkan Mudane Ibraahim Qaalib ,w axaa uu sheegay inay xuquuqda biliaadamka iyo dumuquraadiyado ay is shabahaan, loona baahan yahay in la ilaaliyo xuquuqda dadka laga tirade badan yahay iyo xuquuqda qofka uu u leeyahay inuu heli karo shaqo , caafimaad, iyo waxbarasho, xadgudubkana laga daayo qofka ra’yigiisa cabiraya.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay  Sh/Xasan Deheeye Waxa uu sheegay xuquuqda la raadinayo waxa ay dhamaanteed ku jirtaa kitaabka QURAANKA ah ee inaan ku noqono kitaabkeenii ayuu yidhi , sidoo kale waxa uu sheegay in xuquuqda biniaadamka dadka muslimiinta ahi ah had iyo jeeraale ka hadlaan laakiin laga haysto xagee warbaahinta.

    Sidoo kale waxa uu ka hadlay magta iyo sida loo kala badiyay raga iyo dumarka waxa uu sheegay in lagu saleeyay waqtigii jaahiliga ahaa carabta laakiin aan loo haynin wax daliila oo quraanka ku soo arooray oo sheegaya in ninkana boqol la siiyo gabadhana konton sidoo kale waxa uu sheegay baryahandanbe waxaan maqalnaa waxaa la raadinayaa xuquuqdii Dumarka waxa uu yidhi waa arin la layaabo xuquuqdan maqan.

    Waxa uu sheegay in ay run ahaantii ragu ta xuquuqdu ay ka maqantahay ay yihiin.

    Sidoo kale halkaa waxaa lagu soo bandhigay su’aalo Dawra oo uu ka jawaabayay Sh/xasan Deheeye.

    Ugu danbayntii waxaa munaasabadii lagu soo xidhay iyada oo laga wada dharegsanaa waxa ay tahay xuquuqda iyo Diinta Islamka.


     
    Borama: (Bnn)

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: