SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiillada oo Qiimayn Ku Sameeyay Xubno ka mid ah komishanka Cusub

    Posted by Sawnews.tk on October 22, 2009

    Hargeysa (Sawnews):- Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakilllada Somaliland ayaa markii ugu horeysay shalay la kulmay qaar ka mid ah Xubnaha loo soo xulay Komishanka cusub ee doorashooyinka, ka dib markii Madaxweyne Rayaale todobaadkan Wakiillada u gudbiyay xubnahaas si ay u ansixiyaan. Kuwaas oo Guddigu ku samaynayso qiimayn iyo hubin qoto dheer oo lagu eegayo shuruudaha looga baahan yahay inay buuxinayaan.
    Xubnahan shalay hortagay Guddiga Arrimaha guduha ee Golaha Wakiillada, oo ahaa afar xubnood, isla markaana kala ahaa mid ka mid ah laba xubnood oo ay Guurtidu soo xushay, Xubin Xisbiga KULMIYE soo xulay, Xubin Xisbiga UCID soo xulay iyo mid ka mid ah saddexda xubnood ee Madaxweynuhu soo xulay.
    Waxaanay Guddigaas oo xaq u leh naaqishaadda iyo xog-waraysiyada iyo sidoo kale wax ka ogaanshaha buuxinta shuruudaha looga baahan yahay Xubnaha Guddiga doorashada noqonaya ee loo soo gudbiyay si Shaqsi-shaqsi ah kulan ula yeesheen afartaa xubnood, halka saddexda xubnood ee ka dhiman todobada xubnood ee Komishanka loo magacaabay la filayo inay la kulmaan maalinta(khamiis)
    Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha Md. Siciid Cilmi Rooble, oo warbaahintu wax ka waydiisay xubnahan ay shalay kulanka la yeesheen iyo waxyaabaha uga soo baxay hubintooda, ayaa ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo natiijada kulankooda iyo baadhitaanka ay xubnahaas ku sameeyeen, hase ahaatee, waxa uu sheegay inay maanta saddexda xubnood ee hadhay la kulmi doonaan, isla markaana baadhitaan iyo xogwaraysi lagu hubinayo buuxinta shuruudaha looga baahan yahay ay la yeelan doonaan.
    Waxaanu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, intaa ku daray oo uu sheegay, in natiijada dhabta ah ee uga soo baxda hubinta ay ku samaynayaan Xubnahan Guddiga doorashooyinka loo soo xulay ay u gudbin doonaan Golaha, oo maalinta Sabtida ah ee foodda inagu soo haysa fadhi aan caadi ahayn isugu iman doona, ka dibna Goluhu awood u leeyahay ansixinta inta shuruudaha looga baahan yahay buuxisa iyo celinta xubnaha buuxin waaya shuruudaha lama dhaafaanka ah ee laga doonayo qofka Guddiga doorashooyinka ka mid noqonaya, iyada oo la raacayo Dastoorka dalka iyo xeerka doorashooyinka Somaliland.
    Si kastaba ha ahaatee, waxa shaki wayn laga qabaa in Xubnaha Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin u soo xulay Komishanka doorashooyinka in qaarkood Golaha Wakiilladu dib ugu celiyaan oo la ansixin waayo, sababo la xidhiidha xubnahaas oo qaarkood ka mid ahaayeen ama ka mid yihiin Xisbiga dawladda ee UDUB ee uu Madaxweyne Rayaale Guddoomiyaha ka yahay, maadaamoo Shuruudaha lagu xulanayo Guddiga doorashooyinka ay ka mid tahay in xubinta Komishan noqonaysaa inaanay Xisbina ahaan ee uu noqdo qof dhexdhexaad ah oo aan dhinacyada siyaasadda kala raacsanayn

    waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: