SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Go’aano ka soo kala Baxay beelaha Dilla iyo Gabilay oo u muuqda Qaar diidan dhexdhexaadnimada Kalabaydhsan ee soo baxday maalmahan

    Posted by Sawnews.tk on October 21, 2009

    ergada-ruqi-300x2251Borama(Awdalpress) 20 Oct.09- Go’aamo isku jawaabaya ayaa ka soo baxay labada beelood ee Dilla iyo gabilay, beelahaas oo colaadi ku dhex maratay xuduuda u dhaxaysa labada degmo, beelaha gabilay ayaa wargayska jamhuuriya ku soo saaray go’aano ka soo baxay shirar u socday mudooyinkan, shirarkaasi oo la sheegay in madaxda xukuumada kaga jirta beesha ay dhawaanahan wadeen, laakiin aan la hubin in ay ku raacsan yihiin go’aankan, waxa kale ooaan la hubin in ay yihiin qolyo kale oo ka biyodiidsan dhaqdhaqaaqa siyaasdeed ee nabadalagu rabo e ay wadaan xubnaha xukuumada kaga jira gabilay, goaankaasi wuxuu u qornaa sidan;

     
    Gabiley (Jam)- Beesha deegaanka Gabiley (Reer Xareed) oo 18 October 2009 shir ku yeeshay deegaanka Ceelberdaale, ayaa soo saaray go’aamo calculus oo nuxurkoodu yahay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay ku soo ceshanayaan dhulka ka maqan, maadaama xukuumadda madaxweyne Rayaale ku fashilan tahay fulinta go’aamadii Golaha Guurtida
    Sidaana waxa lagu sheegay baaq ka soo baxay shirka beesha reer Xareed ku yeesheen deegaanka Ceelberdaale oo nuqul ka mid ahi xalay soo gaadhay Jamhuuriya, kaasi oo u qornaa sidan.

    “Beesha Reer Xareed ayaa shir ballaadhan ku yeeshay degaanka Ceelbardaale taariikhdu markay ahayd 18/10/2009, shirkaas oo la iskaga yimi miyi iyo magaaladaba oo laga wadahadlayey sidii loogu hawlgali lahaa dhulka beesha ka maqan, taas oo ay ka caddadaaladda waayeen xukuumadda maanta dalka ka talisa, kadib markii Guurtidu ay laba xukun oo ka soo saartay degaanka Ceelbardaale, xukuumadduna iska dhagatirtay fulinta xukunkaas, isla markaana beeshu waxay go’aansatay qodobadan hoos ku qoran;

    1. In beeshu ku dhaqaaqdo tallaabo kasta oo ay dhulkooda maqan ku soo ceshanayaan, maadama ay xukuumaddu ka baaqsatay go’aanka Golaha Guurtida.

    2. In aanay beeshu u dulqaadan dooni intii ay hore u dulqaataeen iyo qodobo kale.

    Waxa kale oo ay beeshu baaq u diraysaa shacbiga reer Somaliland, golayaasha sharci-dejinta, salaadiinta, culima’udiinka iyo waxgaradka iyo dhammaan inta danaysa nabadda inay ka hortaagaan masiibadda halkaas ka soo socota ee uu masuulka ka yahay Ina Rayaale Kaahin. Cuqaasha iyo odayasha baaqa soo saaray.”

    Magacyada cuqaasha iyo Odayaasha baaqaas ku saxeexnaa waxay kala yihiin;

    Chief-caaqil Aw Yuusuf Magan Faarax, Caaqil Aadan Cilmi Ceelaabe, Caaqil Gaydh Cige Geelle, Caaqil Ibraahim Abraar Mixile, Oday Xaamud Xirsi Tubeec, Oday Cumar Barkhad Bullaale, Oday Maxamed Xadi Wacays, Oday Cabdixakiim Cumar Maxamed, Oday Xasan Aw Xuseen Cabbaase, Oday Cismaan Miigane Suldaan, Oday Cabdillaahi Axmed Caynaan, Oday Ismaaciil Nuur Dhinbiil, Oday Axmed Macallin Bashiir, Oday Maxamed Maal Raabbi, Oday Cabdillaahi Sheekh Axmed Muxumed, Oday Maxamuud Taani Geeddi, Oday Haybe Cali Khaliif, Oday Cabdillaahi Warsame Cumar, Oday Daa’uud Isaaq Xaaji, Oday Cumar Muxumed Sanyare…
     
    Goaankaas sare ka dib ayay beelaha Dila soo saareen goaan ay ka soo baxay dhankooda oo ku aadan midkka soo baxay reer gabilay wuxuuna u qornaa sidan;
     
    Anaga oo ah beelaha deegaanka Dilla ee galbeed uga soo rogan bugcada c/bardaale waxaan u cadaynaynaabulshada reer Somaliland, in beesha nala diriraysa ee rabta dhul balaadhsiga ay si fiican ucadeeyeen mawqifkooda, sida ayku sheegeen goaankooda wargayska jamhuuriya ku soo baxay, dhaqdhaqaaq xoogana way wadaan, hadaba mawqifkayaguwuxuu yahay sidan
    1- Cid kasta oo u hanqal taagta dhulkayaga uma ogolin hal taako, waxaanan ka xignaa dhimasho..
    2- Wax badan waxaanxeerinay derisnimada iyo wada dhalasho naga dhaxaynaysay, wixii imika ka dambeeya dulqaad uma
    yeelan doono in lanagu gafo ama goolaaftan lanoola yimaad, waxaana u leenahay talaabo kasta foojigo iyo fiiro adag.
    3- gardaro kasta oo nagaga timaad dhanka gabilay amase Ciidamo xidhan shaadh qabiil waxaaku dhicidoonta dhirbaaxo aanay ka soo waaqsan karin.
    4- waxaan la soconaaa dhawaanahan in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ay wadaan kooxo wadaado ah, Kooxo ganacsato ah iyo Kooxo madaxdhaqmeeda ah, oo aan fahmi la’nahay cida u duubtay iyo Arimaha ay damacsan yihiin, waxaanan u aragnaa mashruuc in ay tahay hawlahaasi la rabo in lagu sii huriyo colaada Aloosan.. waxayna ka socdaan Hargaysa
    5- Cid kasta oo wada wax aan dantayadu ku jirin waxay noogu muuqanayaan kuwo cadaw ku ah jiritaankayaga, hana ka waantoobaan talaabaayinka qaldan ee khiyaamadu ku jirto..
     
    Odayada Baaqan ku sexeexan
    Cheif/Caaqil daahir Cabdi
     Oday Daahir ibraahim Mooge
    caaqil Ismaacil Axmed Tukaale
    Ch/caaqil Siciid ismaaciil
     Oday Nuur Cilmi Agoon
    Caaqil Aw Ciise Cabdi Colhaye
    Caaqil Axmed XirsiMadar
    Farxaan Daahir
    Axmed Caqli
    Axmed Kaahiye Cawaale
    maxamed dagaal madar
    X.C/aahi Bile camir
    Oday Xaashi Cige Waabari

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: