SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Axsaabta Mucaaradku maxay ka yidhaahdeen xubnaha Rayaale u xulay Komishanka cusub?

    Posted by Sawnews.tk on October 21, 2009

    Annagu Rayaale oo kale noqon mayno, wuxuu sameeyayna….”
    Guddoomiyaha KULMIYE

    kulmiye-flagHargeysa (Sawnews)- Axsaabta Mucaaradka ah ee Somalilnd, ayaa ka hadlay sida ay u arkaan xubnaha uu Madaxweyne Rayaale u xulay Komishanka cusub ee Doorashooyinka oo qaarkood lagu xidhiidhiyay xisbiga UDUB.

    Warbaahinta maxaliga ah qaarkood waxay shalay faafiyeen in qaar ka mid ah saddexda xubnood ee Madaxweynuhu dhinaciisa uu Komishanka u xulay ay ka tirsan yihiin xisbiga UDUB, iyadoo uu xisbiga KULMIYE hore dhowr jeer ugu celiyay haweenay aqoonyahanad ah oo ay Komishanka u xuleen, balse uu sheegay inay ka tirsan tahay masuuliyiinta xisbiga.

    Hase yeeshee, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay aragtidiisa ku saabsan arrintaas, waxa uu sheegay in aanu shaqsi ahaan Madaxweyne Rayaale ka sugayn mid ka duwan talabadaa uu qaaday, balse ay kala reebista Guddiga Doorashadu tahay hawl uu Sharcigu siiyay golaha Wakiillada. “Walaahi, annagu Rayaale oo kale noqon maynee, hawshaa waxaanu u daynaynaa cidda ku xil leh ee Baarlamaanka…Taas hawsheedii way naga dhamaatay, waxayna u gudubtay hay’ad kale oo qaranka ah oo u xil saaran. Sidaa darteed, iyaga ayaanu ku ixtiraamaynaa una daynaynaa inay intii ay munaasib u arkaana sii daayaan, wixii aan munaasib ahayne sii daynin,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo la waydiiyay sida uu u arko xubnaha Madaxweyne Rayaale u magacaabay Komishanka Doorashada.

    Guddoomiyaha oo la sii waydiiyay in xubnaha Madaxweynuhu magacaabay uu u arko inay UDUB yihiin, waxa uu ku jawaabay; “Anigu kollayba Rayaale wax kale kama filaynin, dadka UDUB ahina haba ahaadeena way is dhaamaan. Markaa isagu wuxuu nagu sameeyay anagu ku samayn mayno dadkaa aan naga istaahilin, UDUB-ba  ha ahaadeena waanu ixtiraamaynaa. Anigu hawshaa waxaan u daynayaa Golahaa ku shuqul leh.”

    Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino aragtidiisa arrintaa ku saabsan, ayaanay noo suurtogelin. Sidoo kale, Guddoomiyaha Guurtida oo ka mid ahaa dhinacyada uu Madaxweynuhu ku celiyay xubnihii ay soo xuleen qaarkood, ayaanu isku daynay in aanu wax ka waydiino, balse nooma ay suurtogelin in aanu helo, ka dib markii uu telefoonkiisa gacanta qaadi waayay

    Ogaal

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: