SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • WARGEYSA JAMHUURIYA = SIILAANYO + SALEEBAAN GAAL + KULIMYE By:Mohamed Mousa

    Posted by Sawnews.tk on October 20, 2009

    u_2d_2009-4-27-19-9-37f_handwriten

    Muddo farabadan ayaan akhrisanyay Wargeyska Jamhuuriya. Waxan arkey in Jamhuuriya ay tahay Wargeys Xisbi oo aanay ahayn Wargeys Qaran.

    Bishan October 19 waxaan akhriyey Jamhuuriya. Saddexda maqaal ee ugu horeeya cinwaakoodo waxay kala yihiin: 1) Macangagnimada Rayaale oo KULMIYE iyo Guurtida ku Khasabtay inay Beddelaan Xubnihii Hore ee Komishanka 2) Anigu waxaan u malaynayaa dhiiggaygii markii la baadhay ayaa UDUB laga dhex waayey 3) Gabadhii laga Horjoogsaday Komishanka Cusub oo Madaxweyne Rayaale ku Eedaysay inuu Xuquuqdeedii ku Xad-gubay.

    Waxay saddexduba sheegayaan in Madaxweynuhu sharci daro ku diiday saddexdii qof ee hore ee Siilaanyo iyo saleebaan Gaal u soo xuleen Komishanka Doorashooyinka. Wargeyskani waa wargeys xisbi oo ku hadla afka Siilaanyo iyo saleebaan Gaal, fidinayana beeno aan raad lahayn iyo qas. Ummada reer Somaaliand wey ogyihiin halka wargeyskani ka taagan yahay siyaasada iyo mashaakilada ka dhaca wadanka iyo sida ay dabka u huriso..

    Waxa ayaan dara ah in saddexda maqaal ee kor ku qorani ay sheekayan wixii u Siilaanyo ku hadaaqaayey ilaa in mudda ahba, saleebaan Gaalna ku taageeraayey. Waxaan garan laahay oo la yaab leh meesha wargeysu geeyey sharciyada u yaalay xulitaanka Komishanka Doorashooyinka. Maxay u soo barbar dhigiwaayeen sharicyadaasi ay ku eedaynayaan Maxahwayenaha. Madaxweynuhu haddii u fuliyey sharciyaydaas, ma dayrkii maka ayuu gubay? Maxayse dadweynuhu u akharistaan wergyskan xumaan ka taliska ah ee fidnada ka dhexwadaa ummada?

    Wargeyskan Jamhuuriya waa af hayeenka xisbiga Kulmiye iyo makarafoonka siilaanyo iyo saleebaan hadalkooda ku gaadhsiiyaan taageerayaashooda. Haddii Wargeyskani yahay wargeys qaran sidda ay maamulayaasheedu ku sheeganyaan, maxay daacad uga noqon wayday arimaha siyaasadeed ee wadanka ka jira iyo jiha wareerka dadka ku dhacay?

    Jawaabaha suaalaha kor ku qarani way u cad yihiin akhristayaasha wargeyskan. Waxayna ogyihiin in wargeyskani ka fogyahay wargeys qaran oo daacad ka ah danta guud ee ummada, halganka siyaasadeed, iyo ictiraaf raadintaba. Maamulayaasha wargeyskani waa taageerayaasha Kulmiye, daacadna kama noqon karaan arimaha siyaasadeed iyo xeerarka u yaalaha warfaafinta. Wargeysku danbiyo badan ayuu wadanka ka galay walina sii wadaa. Daka ku raaxaysta beenta iyi masiibooyinka wargeyskani faafiyo waxay u baahan yihiin daryeel caafimaad waayo wacyigoodii xumaanta iyo wanaaga kala saaraayey ayaa ka dhintay. Waxay isku badaleen dad xumaanta iyo isku dirka ummada ka hela. Waa siddii shaydaankii la xisaabinaayay markuu  soo hoydo ee la waydiin jiray inta u soo haleeyey ee uu janada seejiyay. Subxaanlaa!!!!!!

    Dadweynaha reer Somaliland waxa la gudboon talo. Waa in ay miissamaan wararka ku qoran Wargayska Jamhuuriya oo ay iska shaadheeyaan warka iska horkeenaya ummada. Waxay danta guud inoogu jirta nabad iyo is dhegeysi ku lifaaqan yahay xaqdhowr iyo walaatinimo. Wargeysayadda wadanka ka jirana la wacyi geliyo in aynay noqon war xumo ka talis sidda Wargeysa Jamhuuriya. Ummada reer Somaliland maaha ummad xumaan ka talis u dhalatay ee dad siyaasad an dhaxal lahayn la wareegaaya ayaa shaydaan ku noqday. Madaxweynihiinu haddii u danbi wadanka iyo ummada ka galo waa wax la wada ogaan karo oo aan qarsoomayn. Aritan beenta u wargeysa Jamhuuriya ka sheegaayo ee ku saabsan diidmada kuwa ka mid xulkii Komishanka Doorashooyinka waxan filayaa in ay ku salaysan tahay sharciga u yaala Xulintaanka Komihsinka. Ummadu ha iska shaadhayso beentaas oo ha codsataan sharciyadaasi. Marka ay akhirsataana raadiyaan ciddii gardaran.

    Wanaag ka talis ma guul darasyto.

     

    Mohamed Mousa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: