SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Qorshaha Dib Casriyaynta Madaarka Hargeysa.

    Posted by Sawnews.tk on October 20, 2009

    Hargeysa(Ramaas) Oct. 19, 2009 – Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta lagu ansixiyay qorshe dib u dhis iyo casriyayn ah oo lagu sameynayo Madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

    Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland,waxaa qorshaha dib u dhiska Madaarka cusub ku bixi doonta 2 Milyan oo Dollar( $2Million). Shirkan oo la sheegay inuu guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin. Waxaana Madaarka dhisaya Ganacsato isugu jira Shiinaha iyo Ganacsato reer Somaliland ah.

    Wasiirka Wasaarada Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Golaha tafaasiil ka siiyay sida uu mashruucaasi u fulayo.

    Md. Waran Cadde wuxuu Ganacsatada dalka ugu baaqay inay maal gashadaan dalkooda.

    Sidoo kale, waxa qoraalkaasi lagu sheegay in Madaxweynuhu uga xog waramay Golaha Wasiirada dhammaystirka Komishanka doorashooyinka ee cusub, ka dib markii ay is casileen xubnihii hore komishanka, markii xisbiyadu ku heshiiyeen in is bedel lagu sameeyo Guddida doorashooyinka.

     

    Ramaasnews Desk

    Hargeisa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: