SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Golaha Wakiilada oo Sabtida U Balamay Ansixinta Komishanka Cusub iyo Xubno la filayo inay soo Celiyaan

    Posted by Sawnews.tk on October 20, 2009

    Maxamed Axmed Xirsi oo ay Mucaaridku Diiradda ku Hayaan soo Celintiisa

    Hargeysa (Sawnews)- Saddexda xubnood ee madaxweyne Rayaale u magacaabay Komishanka cusub ee uu u gudbiyay golaha Wakiiladda Somaliland si ay u ansixiyaan ayaa la filayaa inay mudanayaasha aqalkaasi ku celiyaan madaxweynaha xubino ka mid ah

    Xubnaha la hadal hayo inaanay ka gudbi doonin golaha wakiiladda waxa ka mid ah Max’ed Axmed Xirsi (Geelle) oo ka mida saddexda xubnood ee uu madaxweynuhu soo magacaabay kaasi oo hore uga tirsanaan jiray xisbiga kulmiye, markii danbena ku biiray xisbiga Udub.taasoo sababaysa in loo adeegsado soo celintiisa.

    Max’ed Axmed oo ah aqoonyahan dhinaca sharciga ah oo qurbaha ka yimid, sida  la aaminsan yahay waxa uu ka cadeeyay xubinimadiisa xisbiga Udub warsaxaafadeed uu ku baahiyay telefishanada dalka markii uu ka baxayay xisbiga kulmiye.wakhtigaasoo uu si weyn u dhaliilay mabaadiida xisbiga kulmiye oo uu sheegay inuu yahay xisbi aan lahayn kala danbayn iyo nidaam la raaco taasoo inta badan ay ka siman yihiin siyaasiyiinta xisbiyada ay ku jiraan ka cadhooda marka ay ka waayaan danahooda siyaasadeed

    Sidoo kale intii uu ahaa xisbiga Udub waxa uu ka qayb galay shirar badan oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta xisbiga Udub taasoo laga daalacday shaashadaha telefishanada. Waxaana ilaa shalay markii la maqlay in loo magacaabay komishanka soo ifbaxayay inay axsaabta mucaaridku ay ka muujinayeen dareen diidmo ah maadaama uu soo maray xisbiyada mucaaridka ah midkood oo ay is garanayaan.arrintaasna waxa laga yaabaa inay uga fiideystaan inay ugu aargudaan gabadhii xisbiga kulmiye soo magacaabay marwo Ilhaan Max’ed Jaamac oo uu Rayaale ku diiday inay ka mid tahay ka mid ahaanshaha lagu eedeeyay xisbiga kulmiye

    Waxa kale oo la dareemayay qaar ka mid Ah xildhibaanada mucaaridka ah oo ku hanjabayay inay ishortaagi doonaan xubintaas iyo xubnaha kale ee ku sifooba wixii ka hor imanaya shuruudaha looga baahan yahay xubinta noqonaysa komishanka  iyagoo baadi goobayay cajaladihii hore  looga  duubay xubintaas, maadaama ay golaha wakiiladdu yihiin hay’adda u danbaysa  ee leh awooda ansixinta masuuliyiinta qaranka.

    Balse waxa jirta in xisbiga Udub shirweynihii kadib aanu lahayn guddi fulineed iyo gole dhexe toona sidaa darteedna waxa adg inaan si rasmiya loo cadyn Karin kaalinta uu kaga jiro xisbiga

    Dhinaca kale Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa 24-ka bishan maalinta Sabtida ee fooda inagu soo haysa fadhi aan caadi ahayn oo ay yeelan doonaan waxay ku ansixin doonaan todobada xubnood ee loo soo xulay Komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub, kuwaasi oo noqonaya Guddidii sadexaad ee doorashooyinka tan iyo markii ay Somaliland laga hir geliyay hanaanka dimuqraadiyada.

    Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro), ayaa Mudaneyaasha Golahaasi ugu baaqay inay ka soo qeyb galaan fadhi aan caadi ahayn oo Goluhu ku ansixin doono xubnaha Komishanka doorashooyinka ee Madaxweynaha Somaliland maanta u soo gudbiyay shirguddoonka si ay u meel mariyaan.

    Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa dhawaan galay fasax laba bilood ah, waxaana xubnaha Komishanka ee la soo magacaabay soo darsaya guddi Hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada, kuwaasi oo soo naaqishaya in xubnahan la soo xulay ay buuxiyeen shuruudaha ku xusan xeerka doorashooyinka.

    Xubanaha komishanka oo sadex ka mid ah uu soo xulay Madaxweyne Rayaale, labana waxa soo xulay Guurtida, halka labada xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID ay soo xuleen min xubin.

    Magacyada xubnaha Komishanka cusub waxay kala yihiin

     Sadexda Madaxweynuhu xulay  

    1)-Maxamed Axmed Xirsi (Geelle)

    2)-Eng. Ciise Yuusuf X. Maxamed

    3)-Faarax Abiib Aadan

    Labadda xubnood ee Guurtida

    4)-Raabi Shariif Cabdi Maxamed

    5)- C/Raxmaan Maxamed Ismaaciil (C/Raxmaan Dixood)

     Xubinta Xisbiga KULMIYE

    6)-Cali-khadar Xasan Cismaan

    Xubinta Xisbiga UCID

    7)-C/Fataax Ibraahim Xasan

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: