SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • War-saxaafadeed:Madaxweynaha Somaliland oo u Gudbiyay Toddobadii Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka G/ Wakiilada.

    Posted by Sawnews.tk on October 19, 2009

    Shirkii Golaha Wasiiradda ee Maanta oo Isniin ah lagu qabtay xarunta madaxtooyadda oo uu gudoominayey Madaxweynaha JSL mudane, Daahir Rayaale kaahin, waxa lagaga dhawaaqay in la soo dhamasytiray todobadii xubnood ee komishanka cusub ee doorashada madaxtooyadda ee soo socota.

    Sida aynu ka warqabno xubnihii hore ee gudidii komishanka doorashooyinka qaranka, dhawaan ayey iska casileen xilkii ay u hayeen qaranka, iyagoo u fududaynaya meel marinta iyo ku dhaqanka heshiisyaddii ay dhawaanta gaadheen saddexda xisbi qaran, taasi oo ay ka mid ahaayeen wax ka bededka xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka JSL.
    Sidaa awgeed, madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin isagoo arrintaasi ka duulaya waxa uu golaha wasiirada ku war geliyey in todobaddii xubnood ee ay ka koobnaayeen komishanka cusub iyagoo isku dhamays tiran uu u gudbiyey golaha baarlamanka si ay u asnixiyaan

    waxana madaweynuhu ka codsaday golaha wakiiladda in ay fadhi degdega ah iskugu yimaadaan si ay u ansixiyaan xubnaha cusub ee loo soo xulay komishanka doorashooyinka qaranka.

    Todobadda xubnood ee loo soo xulay komishanka cusub, waxa ay kala yihiin sidan hoos ku xusan:
    Magacyada saddexda xubnood ee madaxweynuhu magacaabay waxay kala yihiin:

    1.      Maxamed Axmed Xirsi Geele.

    2.      Eng: Ciise Yuusuf X.Maxamed (Egn; Ciise Xamari)

    3.      Faarax Abiib Aadan.

     

    Labda xubnoo d ee golaha guurtidu soo xuleen waxay kala yihiin.

    1.      Raabi Shariif Cabdi Maxamed.

    2.      Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil.

     

    Xubinta uu soo xulay xisbiga Kulmiye waa:

    1.        Cali-Khadar Xasan Cismaan

     

    Xubinta Xisbiga UCID

    2.      Cabdifataax Ibraahim Xasan.

     

    Gebagebadiina waxa madaxweynuhu  qoraal degdeg ah oo xambaarsan todabadaa xubnood uu u diray golaha wakiiladda oo uu kaga codsanay in ay isugu yimaadaan
    fadhi degdeg ah oo aan caadi hayn si ay u ansixiyaa.

    Allaa Mahad Leh
    Siciid Cadaani Mooge
    Afhayeenak Madaxtooyadda Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: