SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Kulmiye Oo Xubin Cusub U Magacaabay Komishanka Doorashooyinka Somaliland

    Posted by Sawnews.tk on October 18, 2009

    kulmiye1.jpgHargeysa-(Sawnews)-Xisbiga KULMIYE ayaa maanta xubin cusub u magacaabay Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland, ka dib markii Madaxweyne Rayaale muddo sadex jeer ah dib u soo celiyay oo uu diiday gabadhii xisbigaasi hore u soo xulay ee Ilhaan Maxamed Jaamac.

    Xisbiga KULMIYE wuxuu xubintan cusub u magacaabay nin la yidhaahdo Cali-Khadar Xasan Cismaan,sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed xisbigu ay soo saareen oo loo gudbiyay Madaxweynaha Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), qoraalkaasina wuxuu u dhignaa sidan

     ”Mudane Madaxweyne,

     Tix-raac qoraalka summadiisu tahay JSL/M/GXK/009-1807/102009, ee ku taariikhaysnaa 17/10/09, waxa aan halkan kuugu soo gudbinayaa bedalaadii aad naga codsatay ee xubintayada Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaanuna u soo xulnay xubintaasi Md. Cali-khadar Xasan Cismaan.

     Waxaanu mar labaad kaa rajaynaynaa inaad xubintaas u gudbin doonto Golaha Wakiillada, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

     Wa Billaahi Tawfiiq

    Md. Axmed Maxamed Siilanyo
    Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE   
    Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
    Somaliland, Hargeysa 

    Ramaas

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: