SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Kuliyadda Sharceecada Iyo Qaanuunka ee Jaamacadda Camuudd oo Markii Horeysay Kulan U Qabtay Laamaha Aminiga, Garsoorka Iyo Sharcifulinta G/Awdal

    Posted by Sawnews.tk on October 18, 2009

    caamuud-small Boorama (Sawnews) – Gudoomiyekuxigeenka Jaamacadda Camuud, Axmed C/laahi Boqorre, ayaa maanta kulan ay isuguyi, maaddeen kulliyadda shareecada iyo qaanuunka Jaamacaddaasin iyo laamaha amniga, garsoorka iyo sharcifulinta isugu yimaaddeen ka furay Huteel Rays ee magaalada Boorama. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey ay ay iskgu yimaaaddaan dhinacyadaasi, ayaa waxa kasoo, qaybgalaytaliyayaasha ciidanka Booliska, Xabsiyada, garesoorayaasha maxkamadaha, xeerilaalinta, salaadiin, qareenno, ergooyinka ka socday xisbiyada Mucaaradka iyo martisharf kale. 

    Guddoomiyekuxigeenka jaamacadda Axmed C/laahi boqorre oo furitaankii shirkan ka hadlay ayaa guud ahaanba ka warramay horumarka  dhinac yada badan leh ee ay samaysay Jaamacadda marka loo eego xadiiga kulliyadaha jaamacadaasi maanta ka koobantahay oo u sheegay inay kusoo biireen saddexkullkiyadood oo kala ah barashada ITga, injineering iyo dhakhtarnimada ilkaha (dentistry) marka lagu daro lix waaxood ama kullkiyadood oo horeyba jaamacaddaasi u lahayd.

    Propfesarka ayaa sheegay in dadweynaha soomaaliland aya riwaayad ama wax an caqliga geleyn l ahayd samayntaama aasaaska jaamacaddaasi, balse maanta cid kastaa ogaatay qiimaha ay ugu fadhiodo dadlka iyo dadweynaha soomaalilandba, ilaa maantana jaamacadda Cammuud ay tahay hooyuada jaamacadaha soomaaliland.

    Profesarka ayaa sidsoao kale waxa uu xusay kulliyadda shareecada iyo qaanuunka oo maanta intiiu ka horreysay hoos tegeysay kulliyadda  sharciga ee jaamacadda Hargeysa, balse maanta ay iskeed kulliyaddaasi uga mid noqotay kulliyadaha jaamacadaha, kaddib dedaal dheer oo loo galay iyo taageero badan oo shicib, dawlad iyo dalalka muslinka ahiba geliyeen saddex sano ku dhawaad ay kuulliyaddaasi shaqaynaysay.

    Ugu dambayntiina waxa guddoomiyekuxigeenku sheegay in kulankoodan ay la kulmeen hawlwadeenada laamaha sharciga iyo garsoorka gobolka ay la kulmeeni yahay tijaabadii ugu horreysay ee ay ilaalinta sharciga iyo xuquuda muwaadinta iyo diintba laga dhaqaajinaye dhaqaajinaysay, sidaa darteedna laga bilaabo maanta kulliyaddaasi ardayda kasoo baxaysaayi cilmigooda iyo aqoontooda ku kordhin lahaayeen.

    Hormoodka kulliyadda Shareecada iyo qaanuunka ee jaamacadda Cammuud Prof. Maxamed Cali nageeye ,oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulliyaddani tahay tan keliya ee soomaaliland ka jirta ee shareecada islaamka iyo sharciga barashadaqawaaniinta caalamiga ahba iskugu biirinaysa ardyada dhigata aaday usooa dhaweeyeen hay’adaha caalamiga ee ka hawlgala Soomaaliland, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay hay’adda UNDP oo xoog badan, xoolo badan iyo qalab badanba gelisay kulliyaddan.

    Prof. Maxamed Cali nageeye ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xidhiidhka caalamiga ah ee durba kulliyaddaasi la samaysay dalalka islaamka siiba dalalka Jordan, khaliijka iyo dalal kaleba,isagoo sheegay inay aqoonsi caalamai ah durba ka heshay dalal markii hore la yaabbanaa sida kulliyaddan oo kale looga aasaasi karo dal dagaallo iyo deggennaansho la’aani aafeeyeen.

    Amiin sh.Siciid kana mid ah borofeesarada wax ka dhiga kulliyadda shareecada iyo qaanuunka ,ayaa sidoao kale ka sheekeeyey sida ay kulliyaddani kusoo aasaasaantay iyo herka maanta aty marayso ,isagoo sheegay in jaamacdo ku yaal dalalka deriska ah oo uu wax ka dhigi jiray, lana aasaasay lixdankii ay kulliyaddani durba kaga hormartay dhinaca aqoonsiga caalami, isagoo dhinaca kalena sheegay in jaamacadda cammuud tahay jaamacadda keliya ee geeska afrika xubinta ka ah ururka jaamacadaha caalamiga ah, kulliyaddan shareecada iyo qaanuunka  aqoonsi kale uga keentay dalalka muslinka ah iyo kuwa  an ahaynba.

    Sidaad arteedna la gaadhay wakhtigii ay soo badhndhigi lahayd waxqabadkeeda dhinaca sharciga iyo shareecada ee looga baahanyahay Soomaaliland.

    caamuud-1

    caamuud-2

    caamuud-3

    caamuud-4

    Maxamed Cumar Hyena

    Harowo.com, Boorama, Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: